Dhagayso:- Taliyaha Ciidanka Diifaca Puntland oo la dar daarmay Ciidamada Jiida hore ee Gal-Gala

Posted Date: 19 Jun 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland Janaraal Siciid Dheere ayaa waxa uu bogaadin u jeediyay Ciidamada Difaaca Puntland ee kusugan Buuraha Galgalo kuwaas oo dagaal xoogan kula jira Al shabaab.

Taliyaha oo qayb ka ahaa wafdi Wasiiro ah oo gaaray Galgalo ayaa waxa uu sheegay in ay halgameen Ciidamada kusugn Buuraha Galgalo iyo Saraakiishooda kuwaas oo la yimid waajibaadkii saarnaa iyo mid ka dheeri ah islamarkaana ay mudanyihiin lagu bogaadiyo shaqada ay u hayaan Dalka dadka iyo Diinta intaba.

Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland Siciid Dheere ayaa Ciidamada Difaaca Puntland meelkasto ay joogaan waxa uu ku wargaliyay in la bilaabay Dagaalkii ka dhanka ahaa Al Shabaab iyo kooxada Daacish waxa uuna uuna sheegay in ay ka guuleesan doonaan Cidkast oo Dulaan Gardara ah ku qaada Puntland .

Allidamaale