Dhagayso:- Top News Cali Xaaji Warsame oo Tageeray Mowqifka Puntland ee shirkii Xamar

Posted Date: 28 Jan 2016   in: Maqaalo,news,Puntland     Comments Comments

Dr. Cali Xaaji Warsame Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland ayaa ka hadlay Mowqifka Puntland ee Shirkii Muqdisho,

Cali Xaaji Oo Maanta u waramayay Warbaahinta Allidamale.com Ayaa Ku Amaanay madaxweyne C/wali gaas Go’ankii uu Xalay ka sheegay Muqdisho, Kaas oo Ahaa in Talada uu kula laaban doono Shacabka Puntland, uusana qaadaneyn Nidaamka 4.5

Cali Xaaji Ayaa Sheegay in Xiligan aysan Wax dan ah umadda Somaliyeed iyo kuwa reer Puntland-ba ugu Jirin Nidaamka Qabaailka ee Ay Ku dhawaaqday Dowladda Fedraalka ah ee somaliya,

Dhinaca Kale Mar aan wax ka weydiinay Wax iska badalay Aragtidiisii hore ee aheyd in Puntland ay qaadan Doonto Nimaadka 4.5 islamarkaana Dabada laga riixayo, ayuu sheegay in Arinkaasi Cidda ugu Badan ee wada ay tahay Dowladda Fedraalka ah

Wuxuu hambalyo, iyo Bogaadin u jeediyay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo uu ugu baaqay inuu Ku Adkeysto Go’aankiisaas, Saxan Sida uu sheegay Cali Xaaji,

Dhinaca Kale xilli uu ka hadlayay Hadal horay oga soo yeeray madaxweyne gaas oo ahaa in Ay jiraan siyaasiyiin Horay u fashilmay oo Marin habaabinaya dadka Ayuu sheegay inuusan fileyn inuu isagu kamid yahay dadka Bulshadda ka dhaa-dhicinaya Fikradaha Khaldan, ayna jiraan sidaas oo kale Rag siyaasyiin ah, Ayna Garab istaagan Xukuumadda Madaxweyne Gaas,

Ugu danbeyn Ayuu Siyaasiga Cali Xaaji Warsame ka digay Go’aan aan Wadatashi Laga sameyn oo ay dowladda Fedraalka ah iska qaadato, Isagoona sidoo Kale ugu Baaqay Madaxweynaha Dalka Xasan Sheikh Maxamud inuu Shacabka Tala Galiyo.

Allidamaale