Dhagayso:- Wariye 14 cisho sharci daro ugu xirnaa Garowe oo lasii dayeey

Posted Date: 16 Jul 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Waxaa Maanta Xabsiga Garowe ee Caasimada Puntland laga sii dayeey Wariye Axmed Cali kilwe oo kamid ah wariyaasha Puntland ,kaas oo labadii bishan 7 lagu xiray Garowe.

Si daynta wariye kilwe waxaa ku dadaalay ururka warbaahinta Puntland ee Map,Qaar kamid ah wariyaasha Garowe iyo ururada Xuquuqda adanaha u dooda.

Axmed Cali kilwe oo an la shaacin sababaha loo xiray ayaa 14 cisho ku xirnaa Xabsiga koonfureed ee Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland,kaas oo uu sheegay in xalad adag katagantahay.

Kilwe oo warbaahinta kula hadlay Garowe ayaa fah faahin kabixiyeey sababaha lagu xiray iyo cida uu u xirnaa mudada 14 beri ah ,iyado ilaa hadda an la cadayn sababta lagu xiray Wariyahan.

Hoos kadhagayso Wariyaha oo ka hadlaya sababta loo xiray

Allidamaale