Dhagayso:- Wasiir Ganacsiga Puntland”Waxaan ka mid noqonay East Africa standard si aan u helno standard Caalami ah”.

Posted Date: 01 Jun 2016   in: Maqaalo,Puntland     Comments Comments

Wasiirka wasaarada ganacsiga iyo warshadaha dawlada Puntland oo muddo ku maqnaa dalka dibadiisa ayaa sheegay inuu dalka kenya uga soo qayb galay shirar looga hadlayey arimaha ganacsiga caalamka.

C/wali Xirsi Cabdulle indha garuna, ayaa sheegay inuu Nayrobi uga soo qayb galay shirar looga hadlayo hormarinta iyo tamarta korontada  Cad-Ceeda ku shaqeeysa.

Wasiirka ayaa sheegay kulamo kaladuwan oo ay ka qayb galeen kadib inay ka wada hadleen sidii lagu helilahaa qalabkaasi iyo standaro caalami ah oo ay la socoto Puntland wuxuuna soo hadal qaaday inay xubin ka noqdeen gudigaasi.

Wasiirka wasaarada Ganacsiga dawlada Puntland ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in wasaaradu dhistay waaxda daba galka waxkasta oo dalka soo gala wuxuuna hadalkiisa sii raaciyey inay tahay waaxdan mid ay labada gole Puntland ansaxiyeen.

Allidamaale