Dhagayso:- Wasiirka Dastuurka Xoosh Jabriil oo ka hadlay Dib u dhici shirkii Dastuurka

Posted Date: 11 Oct 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Maalma ka hor waxaa dib u dhac uu ku yimid shirweynaha Qaran ee dib u eegista Dastuurka dalka kaas oo ay soo diyaarisay Wasaarada Dastuurka Xukuumada Federaalka Soomaaliya kadib markii ay qaadaceen shirkaas Wasiirada Arrimaha Dastuurka ee dowlad goboleedyada .

Wasiirka Wasaarada Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay Baaqashadaas balse taasi ay tahay dumuqraadiyad ama xuriyad la gaaray in Xukuumadda Sooamaliya laga soo horjeesto.

Wasiir Xoosh ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaradu ay mar kale qaban doonto shirkaas kaas oo ah mid dib u eegis lagu lagu sameynayo Dastuurka dalka oo ah weli mid qabyo ah.

Allidamaale