Dhagayso+Sawiro:- Beesha Gumasoor oo Madaxweyne Gaas iyo Barlamaanka Puntland Fariin u Diray

Posted Date: 17 May 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

kulan ay isugu yimadeen waxgaradka aqoonyahanada Odayaasha iyo Siyaasiyinta Beesha Gumasoor oo kamid ah beelaha Puntland ,kana kamid ahaa beelihii wax ka dhisay Puntland ayaa waxay kaga hadleen kordhinta xildhibaanada Barlamaanka Puntland ee uu dhawaan Madaxweynaha dowladda Puntland ku dhawaaqay.

Beesha ayaa sheegtay inay Dowladda Puntland ka dalbanayaan saamiga ay ku leeyihin dowladda Maadama naf iyo maalba ay ku bixiyeen Puntland .
Dr Cabdirisaaq Sheekh Axmed oo kamid ah Aqoonyahanada Beesha Gumasoor ayaa ku dhawaaqay Bayaanka maanta Beeshu soo saartay .

Qaar kamid ah nabadoonada Beesha oo goobta ka hadlay ayaa dowladda Puntland ,Gaar ahaan Madaxweynaha iyo Barlamaankaba ka codsaday in la Tixgaliyo codsiga beesha ,laguna daro xubnaha Barlamaanka,maadama ay yihiin Beelaha daga Puntland .

Kulanka Beeshan ayaa kusoo beegmaya xili Dhawaan Madaxweynaha Dowladda Puntland uu sheegay in la kordhin doono Tirada Xildhibaanada maadama Cabasho xoogan ay katimid qaar kamid ah Beelaha Puntland daga

Allidamaale