Dhagayso+Sawiro:- Gal-Mudug oo Puntland ku Wareejisay Rag Gawaarida shacabka dhici jiray

Posted Date: 20 Mar 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Taliyaha Qaybta Booliska gobalka mudug Cismaan Xasan Cuuke ayaa maanta waxa uu kala soo wareegay Taliyaha CID Galmudug Maxamuud Cilimi Gulaafe labo nin oo dhalinyara ah kuwaas oo gaari nooca noohada loo yaqaano ka dhacay waqooyiga magaalada gaalkacyo.

Soo wareejinta labadaan nin ee gawaarida shacabka ka dhici jiray dhinaca waqooyi ee Gaalkacayo lana aada jiray dhigan Galmudg si ay ugu soo iibsadaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa maamulka gobalka iyo kan degmada Gaalkacayo.

Taliyaha Qaybta Boliska Gobalka Mudug Cismaan Xasan Cuuke ayaa waxa uu sheegay soo qabasha ragaan in ay iska kaashadeen saraakiisha amaanka Galmudug iyo Puntland waxa uuna sheegay in ay cadeeyn u tahay wada shaqaynta dhinaca amaanka ee ka dhaxaysa saraakiisha labada dhinac ee magaalada gaalkacayo

Taliyaha CID Galmudug Maxamuud Cilimi Gulaafe ayaa sharaxay sida ay ugu suurta gashay soo qabshada labadaan nin ee dhalinyarda ah waxa uuna sheegay in meesha ay ka bixi doonto fikirkii laga qabay waxii galaa dhinaca galmudug in aan la arkin.

Ugu danbeentii Gudoomiyaha gaobalka mudug Xasan Maxamed Khliif ayaa dhankiisa waxa uu sheegay in soo dhaweenayo wada shaqaynta ka dhaxaysa Saraakiisha Ciidamada Amaanka Galmudug iyo Puntland ee ka howgala magaalada Gaalkacayo labadeeda dhinac

Allidamaale