Dhagayso+Sawiro:- Galmudug iyo Puntland oo Maanta Gaalkcyo Heshiis ku dhexmaray

Posted Date: 17 Dec 2017   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Gaalkacyo, 17, Dec, 2017 Waxaa muddo 7aad ah ku sugan deegaannada Puntland Wafti uu hoggaaminayo Talyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeyo Gaas General C/wali Jaamac Gorod, waxaana waftiga ka mid ah Xildhibaano heer federaal ah, Talyaha Guud ee ciidanka Difaaca ee Puntland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda Soomaaliya iyo Saraakiil ka tiran Hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka.

Dadaalo xooggan oo lagu Nabadaynayo magaalada Gaalkacyo, waxaa maantay Aqalka Islaan Bashiir Islaan Cabdille ka dhacay Hishiis Taariikhi ah oo ka duwan qaab ahaan Hishiisyadii hore, waxaana madasha xaadir ku ahaa Nabadoonnada labada dhinac, Guddoomiyaasha Gobollada labada dhinac, Maayirada labada dhinac, Iyadoo Hishiiska ay markhaati ka ahaayeen Waftiga Heer Federaal ee Talyuhu uu hoggaaminayo Iyo Issimada kale Suldaan C/naasir Faarax Seed oo kasoo jeeda Galmudug Iyo Islaan Bashiir Islaan Cabdille oo ahaa isagu shaqsigii Gogoshaan Dhigay Gurigiisa.

Talyaha XDS General Gorod oo shirka ka hadlay ayaa yiri “Sharaf bay noo tahay in aan maantay taladii oo dhan kusoo arruurinay Aqalka Islaan Bashiir, waxaana rajaynayaa Alle idankii in Waftigaygu uu kusii neegaadi doono magaaladaan inta aan ka xaqiijinayo in Hishiiskaan uu dhaqan-galo oo uu ka duwanaado hishiisyadii Hore”

Intaas kaddib waxaa madasha lagu saxiixay hishiis ay saxiixeen ku dhawaad 30 qof oo isugu jirta Nabadoono iyo Cuqaal kale matalaysay dhinacyada Puntland iyo Galkacyo ee Gaalkacyo wada daga. Waxaana Goobjoog ahaan hishiiskaan ku saxiixay Talyaha Xoogga Gener Gorod, Xildhibaan Sulaymaan Xuubsireed, Talyaha Ciidanka Difaaca Puntland General Siciid Dheere, Iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga DF Soomaaliya Dr Sonkor Geyre.

Hishiiskaan waxaa soo xiray oo duco iyo dardaaran goobtaas ka jeediyay Islaan Bashiir Islaan Cabdille oo yiri “Waa muhiim in dadka Gaalkacyo ay garwaaqsadaan ahmiyadu ay Nabaddu u leedahay noloshooda, waa dhab in gobolkaan uu dib u dhac wayni ku yimid sanadihii ugu dambeeyay, waxaan ku kalsoonahay in hishiiska maantay lagu gaaray gurigayga uu ka duwan yahay hishiisyadii hore, qorshe ahaan, iyo dad ahaanba, waxaa muhiim ah in aan dhammaanteen u istaagno sidii aan usoo celin lahayn sharafkii gobolka Mudug iyo Wadajirkiisii annagoo kaashanayna Rabbigii na abuurtay”

Hishiiskaan waxaa uu kusoo dhammaaday jawi aad u dagan, waxaana Waftiga Talyuhu ay Gaalkacyo kusii sugnaan doonaan muddo 7aad ah si ay u xaqiijiyaan in qodobada lagu hishiiyay ay noqdaan kuwo dhaqan-gal ah.

.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale