Dhagayso+Sawiro:- Madaxweyne Farmaajo oo Qardho gaaray

Posted Date: 10 Jan 2018   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Madaxweynaha Dowladda Somaaliya maxamed Cabdulaahi farmaajo iyo Madaxweynaha Puntand ayaa gaaray magaaladda qardho ee Xarunta Gobalka karkaar halakas oo kumanaan shacab ah kusoo dhaweyeen

Madaxweynaha DFS ayaa maata Goob fagaare ah waxa uu qudbad dhinaco badan taabanaysay uga jeediyay dadweynihii ku soo dhaweeyay Magaalada Qardho .

Madaxweynaha ayaa waxa uu ugamahadceliyay Shacabka ku dhaqan Magaalada Qardho sida diiran ay ugu soo dhaweeyeen Magaalada isaga iyo wafdigiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya oo uu weheliyo Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa goobta ka sheegay in caawa ay halakaasi ku hakan doonan oo ayna lakulmi doonaan qaynaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Qardho.

Madaxweynaha ayaa Maalinta Bari ah waxaa lafilayaa in uu soo gaaro Magaalada Bosaaso halkaasi oo ay ka socoto diyaar garow Xoogan.

Allidamaale