Dhagayso+Sawiro:- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Puntland oo Dil ku Xuntay dhalinaro Lashegay inay Alshabaab Yihiin Dhagayso+

Posted Date: 13 Feb 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Maxkamada Ciidamada Qalabka sidaha iyo Danbiyada Culus ee shanta Gobal ayaa maantay xukun dil ah ku Riday Todoba dhalin yaro ah kuwaas oo lagu soo eedeyay inay yihiin Al shabab Boossaasona ay ka fuliyeen Dilal loo gaystay Madax ka tirsan Puntland

Dhalinyaradan oo ka hadlaayay inay galeen danbiyadan ayaa sheegay in aysan wax danbi ah lahayn isla markaana jir dil loo gaystay ay been u sheegen iyagoo intii la hayay jir dil aan joogsi lahayn loo gaystay

Qareena u doodayay dhalin yaradan ayaa dhankooda sheegay in aysan wax cadayn ah oo muuqda la hor keenin
maxkamada sidaa awgeed in ay Cadaalada helaan mihiim tahay

Xeer ilaaliyah Maxkamada Ciidamada ayaa sheegay in ay iyagu isku markhaati fureen oo qaarkood walaalo yihiin kuwa kalanaha ay sheegen inay ka tirsan yihin Al-shabab

Gudoomiyah Maxkamada Ciidmada qalabka sida iyo Danbiyada Culus Korneel Cabdi Fitaax Xaaji Aadan ayaa
dhagaysi kadib gaaray Xukun uu dhalin yaradan ku riday maxkamada kaas oo ahaa dil toogasho

Gudoomiyaha ayaa sheegay markii ay arkeen Cadaymo iyo qiraal ay dhalin yaradan qaarkood yihiin ayey maxkamadu ku riday xukun dil ah iyadoo u tiigsatay shareecada islaamka sida uu sheegay gudoomiyaha maxkamada

Dhalinyarada iyo Xukunkooda ayaa U dhacay Sidan :

Nuuradiin Axmed samatar Deerow (dadiisu 20 sano jir)
Ayuub yaasin cabdi ( dadiisu 32 sano jir )
Cali Ismaaciil cali (Cali gaab) (20 sano jir )
Xasan Aadan Xasan Maxamed (dadiisu 22 sano jir )
Cabdixakiin Maxamed Aways (dadiisu 24 sano jir )
Maxamed Yaasin Cabdi Maxamud (dadiisu 17 sano jir )
Daa uud siciid sahal (dadiisu 18 sano jir )

Dhamaan Dhalin yaradan lagu eedeyay inay ka tirsanaayen Al shabab isla markaana Dilal qorshaysan Boossaaso ka fuliyeen

Xukunkan ayaa Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sidaha uu sheegay in uu Racfaan ka furan yahaya mudo 30 cisho ah,

Bosaso ayaana Bilihii La soo dhaafay Dilal Qorsheysan loogu geystay, Masuuliyiin Ka Tirsan maamulka Puntland oo ay kamid ahaayeen, Agaasimihii Madaxtooyada Boosaso, Taliye Ku Xigenkii Sadexaad ee Booliska Puntland, iyo Xeer Ilaalihii Maxkamada Ciidamada Puntland,

Allidamaale