Dhageyso:- Dowladda Somaaliya oo ka hadashay khasaaraha Qarixii Muqdisho ee maanta

Posted Date: 07 Jul 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in gebi ahaanba howlgalkii Al-Shabaab ay ku soo qaadeen xarunta Wasaaradda Arrimaha gudaha oo u dhaw Taalada Sayidka in la soo afjaray.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in la laayay dhamaan Ciidamadii weerarka soo qaaday, isla markaana ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen inay badbaadiyaan dadkii ku jiray gudaha xarunta Wasaaradda Arrimaha gudaha, iyagoo saacado kooban ku soo afjaray howlgalka.

Ugu yaraan 10 qof oo isugu jiray Masuuliyin iyo dad shacab ah sido kale in kabadan 20 qof ayaa ku dhawacmay qaraxaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7