Dhegayso:- Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka oo ugu Baaqay Puntland iyo Galmudug Nabada inay ka shaqeyaan

Posted Date: 14 Dec 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya sarreeye Gaas Cabdiweli Jaamac Gorod oo maanta khudbad ka jeediyey kulan looga hadlayey Amniga gobolka Mudug kaasoo uu la qaatay Waxgaradka iyo Haweenka gobolka.

Taliyaha ayaa ku dheeraaday Colaada kusoo noq noqotay gobolka Mudug iyo saamaynta ay ku yeelatay Bulshada gobolka isagoo sheegay inaysan magaalada u sinayn Hormarka taasna ay horseed u tahay Colaadda.

C/wali Jaamac Gorod ayaa soo hadal qaaday khilaafka soo noq noqda inay qayb ka yihiin dad isugu jira Nabadoono,Dhalinyaro iyo dadkale oo dhamaan leh dano gaar ah.

Taliyaha ayaa ugu danbayn wuxuu sheegay in magaalada Gaalkacyo labadeeda dhinac uu kulan kula qadanayo Masuuliyiinta iyo Bulshada qaybaheeda kaladuwan kadibna shirwayne uu qaban doono waxbadana uu ka Ogyahay Colaada soo noq noqota.

Allidamaale