Difaaca Puntland waa waajib ummadeed ma’ahan mid beeleed W/Q: Ayaanle Xuseen Cabdi

Posted Date: 20 Mar 2016   in: Madadaalo,news,Puntland,Somalia     0 Comments

Waxaa ii muuqata in dad badan oo Soomaaliyeed ay ku kala aragti duwanyihiin dagaalka ka socda xeebaha bariga Soomaaliya ee Puntland. Qaar baa u arka dagaal soo daahay oo ay ahayd in mar hore ay Puntland dhadhamiso dhammacda argagixisada, halka qaar kalena ay u arkaan dagaal siyaasadeed oo u jeedadiisu tahay in la burburiyo nabadda iyo kala dambeynta Puntland.

Waxaa kale oo baraha bulshada ku arkayay dad Soomaaliyeed oo ku wiirsanaya dagaalka oo dano raqiis ah ka dhax raadinaya iyo kuwa ka xun in dhul nabad ahaa ay colaadi ka dhacdo gaar ahaan colaad argagixiso oo daminteedu addagtahay.

Marka loo yimaado fakarka Soomaaliga xalaasha ah dagaalka ka socda Puntland waa mid halistiisa leh oo dib u dhac weyn ku ah ummadda Soomaaliyeed waana dagaal haddii aan si Soomaalinimo ah loo wajahin dhalidoona qorshaha kuwi maleegay ay doonayaan oo ah ugu yaraan in ciidamo ajnabi ah oo nabad ilaaliya la geeyo Puntland si lamid ah koonfta Soomaaliya. waa qorshe gun dheer oo macaash badan laga helo haddii ay ahaan lahayd dowladda dhexe iyo beesha caalamka oo dhaqaale ka sameeya joogitaanka AMISOM.

Waxaana jiray isku dayo hore oo dhicisoobay oo uu kamid ahaa dagaalki laga riday Galkacyo oo ay kawada shaqeeyeen rag ku jira Puntland iyo kuwo ka baxsan laakin shacabka badankoodu aysan fahmi Karin dhagarta meesha ku jirta. sida la ogyahay Al shabab ma’ahan niman u habeysan ama leh fakar ay ku hantiyaan dalka ee waa jabhad fowdo ku nool ah oo aan haddaf lahayn. waxaana dad badan ay rumeysanyihiin in Al shabab aysan ka marneyn u gogol xaadh-ka in ciidanka shisheeye ku nagaadaan Soomaaliya.

2016 Ma waxay ahayd in Al shabab laga sifeeyo dalka oo dhan mise waxay ahayd in ay weeraraan deegaano nabad ahaa oo kamid ah dalka ?

M.Somalia, Xassan Shiikh Maxamuud

M.Somalia, Xassan Shiikh Maxamuud

Maxaa lagu bixiyay oo ay nooga luntay 4 sanno oo uu dalka hoggaaminayay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamoud haddase immisa ayuu doonayaa in uu hoggaamiye sii ahaado si uu waajib qaran u sii guto?

Mushkiladu maanta ma’ahan Al shabab ee waa hoggaan xumida nahaysta waxayna dhalidoontaa in taako nabad ah la waayo haddii aan ilaahay usha dhaxda qaban oo isbadal caam ah imaan. Waan ka xumahay in aan afka ku dhufto kaligiis madaxweyne Xasan waana hubaal in ay jiraan madax badan oo la wadaagta eedda laakin sababta aan u tun dhuftay waxay tahay majiro Raysil wasaare kaliya oo aan eeda la waadin karno mar hadduu kuwo badan isku badalay wax isbadalayna aanay jirin. marka caqabada dalka raysil wasaarayaasha labadalay ma’ahayn ee waa isagga sida dad badan oo ila mid ah ay qabaan.

Inkasta oo Al shabab marba qolo lagu xagliyo ama lagu eedeeyo in ay gacan saar leeyihin haddana waxaa hubaal ah in Al shabab qorshahoodu ka weynyahay qolyaha is tuhmaya ee siyaasadda dalka kummaala cabsi gelinta shacabka iyaga oo adeegsanaya astaan goboleed mid qaran iyo sumad qabiil intaba.

Madaxda Puntland waa in aysan noqon islaanti cariishka daganeyd ee dabeyshi ruxdaba dariskeeda ku eedeyn jirtay, ee waa in geed lagu xiraa dadka mas’uuliyadda sheeganaya ee afka dabka ku sita xal uma hayaan Puntland iyo Soomaali midna. Ee xaaladaha noocaan oo kale ah marka lagu jiro waa in dadka kartida uleh ee miyir qabka u saaxiibka ah lagu aamina howsha.

Shacabka Puntland iyo dowladooduba waa in ay u midoobaan qadiyadan waa mid halisteeda leh oo lagu doonayo in la waayo qof Soomaali ah ama maammul Soomaaliyeed oo sheegankara in uu mas’uul kayahay amaankiisa ama xorna kayahay AMISOM.

Ayaanle Xuseen Cabdi

Ayaanle Xuseen Cabdi

Qofki Soomaalinimo ku jirto ma qaadan karo in 2016 meeshi aan nabad caam ah ka sugeynay in inti yareyd ee nabadda ahayd la carqaladeeyo waa in aan u istaagnaa difaaca dalkeena iyo dadkeena kala sooc la’aan. Waxaa jirta sabab maanta aan ku difaacikarno Puntland waana in ay tahay meel nabad ah oo dalka kamid ah mana qaadan karno in aan lumino nabadgalyada iyo kala dambeynta ka jirta Puntland.

Ayaanle Xuseen Cabdi
Bahda HANOOLAATO
Email:ayaanle@hanoolaato.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7