Dil Caawa Kadhacay Muqdisho iyo Fah faahin ka soo baxaysa

Posted Date: 10 Aug 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Kooxo ku hubeysnaa bustoolada ayaa lagu soo waramayaa in maqribnimadii Caawa ay dilka geysteen Isgoyska Bakaaraha ee Magalada Muqdisho.

Dilka ayaa goobjoogayaal waxa ay Allidamaale u sheegen in loo geystay Nin ka mid ahaa dadka sida aadka ah looga yaqaano Isgoyska Bakaaraha nawaaxigiisa,isla markaana ka mid ahaa dadka ka Shaqeysta Isgoyska.

Dadkii ka dambeeyey dilkaas ayaa goobta ka baxsaday,waxaana kusoo baxay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn Isgoyska balse aysan u suurtagelin in ay gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyey dilkaas

Qof ka mid ah dadka ku Ganacsada Isgoyska Bakaaraha ayaa sheegay in Dilka markii uu dhacay uu saameyn ku yeeshay,isla markaana isku-socodka dadka iyo gaadiidka uu mudo Saacad ku dhow hakad ku jirey.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale