Diyaar Garow ku Aadan Aaska Marxuum Maxamed Jaamac Salaad oo ka socda Gaalkacyo

Posted Date: 12 Aug 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Dalka taliyaaniga waxaa ku geeriyooday marxuum Maxamed Jaamac Salaad dhaqtarkii Neerfaha Soomaaliya kaas oo muddooyinkii danbe uu ku dhacay Xanuun dhanka Beerka ah isagoo kadib u geeriyooday Xanuunkaasi.

Marxuumka ayaa Ehelkiisa iyo Bulshadii Soomaaliyeed waxay sameeyeen Gudi loo xilsaaray Aaska Marxuumka kaas oo lagu waddo in lagu aasso magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo mudooyinkii danbe uu ka shaqaynayey.

Maalinta Khamiista ah ee soo socota oo Bishu ay tahay 17 ayaa lagu wadda in maydka marxuumka laga soo dajiyo magaalada Gaalkacyo iyadoo sidoo kale ay ka qayb gali doonaan aaska marxuumka madaxa ka socota dawlada Puntland iyo dhaqaatiir ka imaanaysa Caalamka intiisa kale kuwaas oo ka socda Ururka dhaqaatiirta aduunka oo xubin ka ahaa marxuum Maxamed Jaamac Salaad.

Allidamaale