Diyaarado Duqayn ka geeystay Qaybo kamid ah Gobalka Gedo

Posted Date: 09 Aug 2018   in: Jubbaland,news,Puntland,Somalia     0 Comments

Saakay Waaberigii diyaaradaha dagaalka dalka Kenya waxa ay duqeyn khasaaro geysatay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolla Gedo.

Diyaaradaha ayaa waxaa la sheegay in ay duqeyn ka geysteen Tuulada Laan-qurac oo u dhaxeysa degmooyinka Ceel-waaq iyo Balad-xaawo,waxaana ku geeriyooday dad shacab ah.

Dadka ku dhintay duqeynta ayaa waxaa ku jira Mid ka mid ah odayaasha Tuulada duqeynta ay ka dhacday,halka ilaa Saddex kale oo ay ku jiraan hooyo iyo Cunugeedana uu soo gaaray dhaawac xooggan.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in tuulada duqeynta ka dhacday ay ka barakaceen in ka badan 60 qoys oo xoolo dhaqato ah,kuwaas oo ka cabsi qaba in waxyeelo ka soo gaarto duqeymaha ay ciidamada kenya geystaan.

Duqeyntii Maanta laga fuliyey deegaano ka tirsan gobolka Gedo weli saraakiisha ciidamada Kenya iuo kuwa Maamulka Jubbaland kama hadlin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale