Diyaarado Kuwa Xamuulka Qaada ah oo kadagay magaaladda Baydhabo Sabab ?

Posted Date: 17 Mar 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Sida ay inoo xaqiijiyeen Illo wareed lagu kal soonaan karo Diyaarado waaweeyn oo ah kuwa xamuulka qaado ayaa ka degay Magaalooyinka Kismaayo iyo Beydhabo ee Xarmaha KMG Maamulada Jubbaland iyo K/galbeed.

Diyaaradaha ayaa waxaa ay sideen sida naloo xaqiijiyay Hub badan kuwaas oo labadaasi Magaalo lagu dejiyay, waxaana Hubka la wareegay Ciidamada Ethiopia.

Hubka ayaa isugu jira Midka fudud iyo Qoryaha Culus waxaana intii ay garoonka joogeen Diyaarada oo laga dejinayey xamuulka Xubka ah Ciidamada Ethiopia ay joojiyeen Dhaq dhaqaayadii caadiga aha ee ka dhax socday Garoomadaasi.

Warar dheeraad ah ayaa sheegaya in Ethiopia ay hubka ugu tala gashay in ay siiso maamulada K/galbeed iyo Jubbaland si ay deegaanada Al-Shabaab kaga sugan yihiin Dowlad Goboleed yadaaasi looga saaro.

Dawlada Itoobiya ayaa horay la aaminsan yahay in Hub badan u geysay Magaalooyinkaasi taasi oo laga cabsiqo inay saameyn ku reebto dadka deegan qaar, waxaana jira walaac ku aadan hubkan Itoobiya ay siineyso maamul goboleedyada dalka.

Allidamaale