Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay 427 Milyan oo Doollar oo loogu deeqay.

Posted Date: 27 Sep 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Wasiirka maaliyadda dowladda Federaalka Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo shir saxafadeed ku qabtay magaaladda Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay cadadka lacago Bangiga Aduunka iyo midowga yurub ugu deeqeen Soomaaliya

wuxuu sheegay in Soomaaliya ay deeq bixiyayaasha caalamka oo ay ugu horreeyaan Bangiga Adduunka iyo Midowga Yurub ay ugu deeqeen 427 Milyan oo Dollar-ka Maraykanka ah, iyagoo ka duulaya sidii ay Soomaaliya u fulisay shuruudihii ku xirnaa nidaamka deyn cafinta.

Wasiir Beyle waxa uu meesha ka saaray in ay deyn tahay Lacagta Bangiga Aduunka ugu yaboohay Soomaaliya, taasi oo ay warbaahinta qaar daabaceen shalay.

“Waxaan halkan ka sheegayaa inay Lacagtan Soomaaliya la siiyay ay deeq tahay, deyn ma qaadan karno “, ayuu yiri wasiir Beyle.

Wasiir Beyle wuxuu kaloo sheegay in dabagal ay sameeyeen ay ku ogaadeen in Lacag Hal bilyan oo Dollar oo Beesha Caalamku ku leedahay Soomaaliya aan la garanayn ciddii saxiixday iyo sida ay ku timid.

Wasiir Beyle ayaa sheegay inay Dowlado dhowr ah ay u yimmaadeen una sheegeen inay Soomaaliya ku leeyihiin deymo, wuxuuna sheegay in ay u direen caddaymo muujinaya saxiixyadii Dowladdii hore ee Soomaaliya, maaddaama uu Dalku ka dhacay bur-bur, isla markaana uusan jiri keyd loo noqdo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale