Dowladda Federaalka oo Sheegtay Ineysan Wax Cabsi ah ka jirin Garoonka diyaaradaha Muqdisho

Posted Date: 13 Nov 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Wasiirka Gaadiidka Cirka & Dhulka ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa beeniyey wararka sheegaya in amniga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uusan fiicnayn.

Maxamed Cabdullaahi Salaad oo la hadlaayey warbaahinta dowladda ayaa sheegay in si wanaagsan ay u socdaan howlaha shaqo ee garoonka Aadan Cadde.

Waxa uu been abuur ku tilmaamay wararka ay faafiyeen qaar kamid ah hay’addo ,isagoona sheegay iney la xisaabtami doonaan kuwa wararka been abuurka faafiyey.

Garoonka waxaan ku qabanaa maalin kasto oo Sabti ah Shir looga hadlayo Aminga,waxaan maalmahan jiray Warar sheegaya in Goroonka Amnigiisa uu xunyahay waa mid been ah oo aan sal iyo raad laheyn ,waxaana Umadda Soomaaliyeed u sheegeynaa in Garoonka Aadan Cadde Amaankiisu yahay Boqolkiiba Boqol, waxa loo sheegayo ay been yihiin wax isbadal ah oo dhanka Aminga Goroonka majiro maalinba maalinka ka dembeyso wuu sii Hagaagayaa”ayuu yiri

Allidamaale