Dowladda Kenya oo ka digtay Weeraro Al-Shabaab ka geystaan magaalooyinka Mombasa iyo Mandhera

Posted Date: 12 Nov 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Dowladda dalka Kenya ayaa mar kale ka digaysa suurtagalnimada in dagaalyahanada Ururka Al-Shabaab ay weeraro qorsheysan ka geystaan magaalooyinka Mombasa iyo Mandhera.

Laamaha amniga ee dalka Kenya ayaa warbixino kasoo baxay lagu sheegay in labo nin oo uu dhashay dalkaas kuna sugan deegaano ay maamulaan Al-Shabaab iney soo maleegayaan weeraro ka dhaca magaalooyinkaas.

Waxaana lagu wargeliyey dadka u shaqeeya dowladda iyo sidoo kale dadka shacabka ah iney galaan feejignaan dheeraad ah,iskana ilaaliyaan cid walba oo ay ka shakiyaan.

Ururka A-Shabaab ayaa marar badan weeraro ka geystay gudaha dalka Kenya ,waxaana xilligan sidoo kale jirta cabsi ah iney weeraro kale ka dhacaan gudaha dalkaas.

Allidamaale