Dowladda oo dib u soo celineysa Somalida Libiya

Posted Date: 11 Feb 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay bishan gudaheeda Dalka Libiya ka soo celineyso 20 Soomaali ah oo dalbaday in dalka dib loogu celiyo.

Danjiraha Soomaaliya ee Yurub Cali Siciid Fiqi ayaa sheegay in dhibaatada ugu badan ay ka taagan tahay Dadka Soomaalida ah oo diiddan in ay dalka kul laabtaan.

Cali Siciid oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in 94 Soomaali ah ay dhawaan ka soo bad baadeen Beer ay ku heysteen Magafayaasha,islamarkaana ay dowladda Liibiya heyso.

Dadkaas ayuu sheegay in ay la xiriireen laakiin ay diideen in ay ku laabtaan Soomaaliya iyaga oo sheegay in aysan Soomaaliya dib ugu soo laabaneyn.

Cali Siciid Fiqi waxaa uu sheegay in Dalka Liibiya ay ku noolyihiin 7,000 oo Soomaali ah,kuwaas oo 2,000 oo ka mid ah ku noolyihiin Magaalada Caasimadda ah ee Tripoli.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7