Dowladda oo sheegtay inaysan Buuhoodle ka dagi karin Diyaarad aan fasax ka haysan Duulista Hawadda.

Posted Date: 20 Apr 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Mudane C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camay ayaa ka hadlay diyaarado dhawaan ka degay Garoonka diyaaradaha magaalada Buuhoodle.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay diyaarad aan fasax ka haysan wasaarada duulista hawada iyo Garoomada Puntland inaysan ka degi karin Buhoodle ayna tahay deegaan ay hawadeeda Maamulaan Puntland sida uu sheegay Camay.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa Qiray inay horay u diideen madax ka tirsan maamulka Khaatumo inay ka baxaan Garoonkaasi ayna tahay cidii doonaysa inay ka degto inay fasax ka hesho wasaarada duulista hawada iyo garoomada Puntland.

Ugu danbayn Madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay diyaaradii doonaysa inay ka degto Magaalada Buuhoodle garoonkeeda inay marka hore kasoo degto magaalada Garowe si baaritaan loogu sameeyo waxay waddo iyo halka ay u socoto.

Allidamaale