Dowladda Somaliya oo Sheegtay inuu baaqday Shirkii Wasiirada Dastuurka ee Muqdisho.

Posted Date: 08 Oct 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Dowladda Somaliya ayaa Xalay ku dhawaaqday inuu dib udhac ku yimid furitaanka Shirweynaha Qaran ee Dib u eegista Dastuurka Somaliya.

Shirkan ayuu Wasiirka Dastuurka Somaliya C/ Xoosh Jibriil Sheegay inuu qabsoomayo 8-da October oo ku asteysan maalinimada Beri ah waloow uu hada baaqday,lama soo sheegin xiliga kale uu furmayo Shirkan mar laga reebo inuu baaqday.

Qoraal uu soo dhigay goordhow Bartiisa Facebook Wasiirka Warfaafinta Somaliya Injineer C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayuu ku sheegay inuu dib uga dhacay Waqtigiisa Shirka.

“Cilad farsamo darteed waxaa dib u dhacay shirweynihii Qaran ee Daahfurka Dib-u-eegista Dastuurka oo 8da October ka bilaaban lahaa Royal Palace Hotel ee Muqdisho” ayuu yiri Wasiir Yariisoow.

Allidamaale