Dowladdda Puntland oo ka hadashay Sixir Bararka Lacagta Shiling Somaaliga ah

Posted Date: 11 Jul 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Gudoomiye ku xigeenka Bank dawlada Puntland Mudane Maxamed Siciid Hogaama laroor horayna u ahaa duqii degmada Qardho ee gobolka Kar-kaar ayaa faah faahin ka bixiyey habka uu u shaqeeyo Bank dawlada Puntland.

Maxamed Siciid ayaa sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday Habka ay uga hortaagaan markii Sicir Barar uu yimaado Bandka dawlada Puntland isagoo faah faahin ka bixiyey lacagta uu soo saaro Banka dawlada Puntland.

Gudoomiye ku xigeenka Banka dhexe ee Puntland ayaa sidoo kale waxaa su,aalo laga waydiiyey Lacag la sheegay inay dawlada Soomaaliya soo dabacayso taasoo uu sheegay inay arintan tahay siyaasad guud oo laysla qaatay isla markaana ay tahay inay dawlada Soomaaliya hesho lacag Cusub oo Soomaali oo dhan leedahay sida uu sheegay Maxamed Siciid Hogaama la Roor.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale