Dhageyso: DPL “ Maamul aan sharciyad ku dhisneyn wax wada hadal ah la gali meyno, mana aqoonsanin”

Posted Date: 06 Jul 2015   in: news,Puntland     0 Comments

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha iyo dhaqanka Dawlada Puntland Mudane Maxamuud Xassan Soocade oo BBC lanteeda afka Soomaaliga la hadlay ayaa markale ku celiyay jawaabay uu u dirayay hadal kasoo yeeray Cabdikariim Xusseen Guuleed oo uu sheegay in aysan wax dhib ah Puntland ku hayna sheegashada iyo iska hadalka kasoo yeeraya magaalada Cadaado, isla markaana aysan wax wada hadal ah la samayn doonin maamul aan sharciyada la dhisin.

Wsiirka ayaa sheegay in Cabdikariim Xusseen Guuleed uu la hadli karo oo kaliya maamulada degmooyinka Mudug, balse uusan u qalmin in dowlada Puntland oo 16-sano jirsatay ay la hadasho wax la dhoo dhoobay.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in wax Cadaado ka socda ay ka hor imaanayaan Dastuurka KMG ee Soomaalidu ku heshiisay, maadama lagu heshiiyay in dhismaha mamul gobaleedyadda uu noqdo oo kaliya labo gobal iyo wax ka badan, balse usan dhigeyn dastuurku in hal gobol oo waliba qeyb ka mid ah ay maamul u sameysay Ahlu sunna iyo labo degmo oo Mudug ah lagu sheego maamul.

Ugu danbeyntii ayuu Wasiirku hoosta ka xariiqay in Dowladda Puntland u aragto wax Cadaado lagu dhoo dhoobay inuu dhaawicidoono dadaallada nabadda ee dibu heshiisiinta iyo dhismaha qaranka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7