Duqa Degmada Gaalkacyo ee Galmudug oo Amar Dul Dhigay Reer Guraagii yimid Gaalkacyo.

Posted Date: 16 Nov 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Duqa degmada Gaalkacyo ee Galmudug Xirsi Yuusuf Barre ayaa ka hadlay Dadka reer guuraaga ah ee xoolihii kasoo dhamaadeen kuwaas oo kusoo xaroonaya gudaha magaalada Gaalkacyo oo xiranaya wadooyinka waa weyn ee magaalada.

Duqa ayaa xili uu ka hadlayey Olole nadaafadeed laga Bilaabay degmada Gaalkacyo wuxuu sheegay inay dad badan oo aan waxba ka aqoon magaalada iyo degaankeeda ay iska soo degeen degmada kuwaas oo Qashin iyo wasakh kusoo Kordhiyey magaalada ayna tahay inay dadkaasi la shaqeeyaan maamulka degmada Gaalkacyo ee Galmudug iskana nadiifiyaan Qashinka.

Dhankale Xirsi Yuusuf Barre ayaa ka hadlay dhulalka lagu kala iibsaddo magaalada Gaalkacyo wuxuuna sheegay inay dad badan iibsadaan dhul aan sharci ahayn iyo Meelo biyuhu ay maraan wuxuuna ugu baaqay dadku inay ka Feejignaadaan Iibka dhulalka aan sharciga ahayn.

Ugu danbayntii duqa degmada Gaalkacyo ee Galmudug Mudane Xirsi Yuusuf Barre ayaa ugu baaqay shacabka kunool Galmudug inay iska ilaaliyaan inay degaan wadooyinka sidoo kalana ay xiraan sida uu sheegay duqa

Allidamaale