Ethiopia oo rabshado cusub ka bilowdeen

Posted Date: 13 Feb 2018   in: Uncategorized     0 Comments

Waxaa rabshado iyo shaqo jooyin ballaaran ka bilaabatay deegaanka oromada ee dalka Ethiopia taasi oo ka dambaysay kadib markii dowladdu tiro dad ah ku dishay bartamaha kililka oramada deegaano kamid ah kuwaas oo iskugu soo baxay mudahraadyo ay dowladda kaga soo horjeedaan. 

Rabshadahaan waxay saameyn lixaad leh ku yeesheen dhammaan qaybaha ganacsiga dalka iyo warshadaha sidoo kale waxaa hakad ku yimid isu socodkii dhulka ee kililada dalka iyadoona uu istaagay sidoo kale tareenkii cusbaa ee u kala bixi jiray Ethiopia iyo Djibouti . xiisadaan hadda taagan ayaa waxay u dhaxaysaa dowladda Ethiopia iyo qowmiyadda Oromada oo ah tan ugu badan dalkaas waxaana socda hadda dadaalo ay dowladdu wado oo lagu doonayo in rabshadaan la soo afjaro iyadoona ay xusid mudan tahay in xabsiyada dalka laga sii daayay dad fara badan oo arrimo siyaasadeed u xirnaa kana soo jeeday qowmiyaddaas ayna ku jiraan siyaasiyiin caan ah oo kamida qowmiyadda Oromada.

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa Ethiopia ku soo laalabanayey rabshado ku salaysan qowmiyado iyo mudahraado looga soo hor jeedo dowladda dalkaas iyadoo ay  dowladdu in badan isku hawshay xalinta dhammaan rabshada.

Ethiopia ayaa ah dowladda ugu awooda badan dowladdaha bariga Afrika dhinacyada dhaqaalaha, militariga iyo siyaasadda waxaana loolan adag oo la xiriira biyo xireenka Abbay kala dhaxeeyaa dalka Masar oo xulufo dhow la ah Eretaria oo jaar la ah Ethiopia.

 

Allidamaale Xaafiiska Ethiopia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale