Faah faahin:- dagaalkii saaka ka dhacay Tukaraq iyo Gaadiid laqabsaday

Posted Date: 15 May 2018   in: Somalia     0 Comments

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ahna kusimaha Madaxweynaha Puntland ayaa Kulan xasaasi ah oo deg deg ah isugu yaareay golahiisa wasiirada iyo saraakiisha Ciidamada.

Shirkaas ayaa looga hadlay xiisada ka soo cusboonaatay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ilaa shalay ay ka dhacayeen dagaalo goos goos ah u dhexeeya Ciidamada Puntland iyo Jeeganland.

Gaba gabbadii kulankaas ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka wasaarada warfaafina dowladda Puntland Mudane Cabdi Xirsi Cali Qarjab wuxuuna sheegay in Ciidamada Puntland ay soo weerareen Kooxda Jeeganland, isla markaana ay iska caabin adag iyo dharbaaxo kala kulmeen ciidamada Puntland.

Wasiirka ayaa sidoo kale digniin adag u diray Kooxda Jeeganland in ay ciqaaab daran kala kulmi doonaan daan daansiga ay caadeysteen.

Dhinaca kale Fahfaahin ka soo baxaya dagaalka saaka Waabarigii labada dhinaca ku dhex maray deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ahaa dagaal culus oo gacanta la isulatagay ayaa sheegaya in lakala qabsaday gaadiid dagaal Sida ay kusoo warameen saraakiisha hogaanka.

Ilaa iyo hada Waxaa la xaqiijiyay labo beebe oo midu god ku dhacay in laga qabsaday Jeegaanland iyo gaari cabdibila ah oo qorisaarnaa, Waxaana dhici karta in tirada intaas ka kororto maadaama wararka aad loo xakameeyay, Waxaa jirta in Taleefonadii ay hawada ka maqan yihiin Sida ay War qabadka Caalamiga ee allidamaale.com u xaqiijiyeen Saraakiisha Puntlnad.

Qasaaraha waxaa naloo xaqiijiyay n la Keenay goobaha caafimaadka ee maagalada Garoowe ilaa 12-askari oo dhaawac ah, halka magaalada Laasacaanoodna la gaarsiiyay 28-dhaawac ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale