Dhageyso: warar isa soo taraya oo kasoo baxaya Dilkii waxashnimada ahaa ee lagu dilay Dr. Bari-Bari

Posted Date: 28 Mar 2015   in: Maqaalo,Somalia     Comments Comments

Warar dheerad ah oo isa soo taraya ayaa ka soo baxaya weerarkii shalay lagu qaaday Hoteel Maka Al-Mukarama ee Muqdisho iyo Dilkii waxashnimada ahaa ee sida bartilmaameedka ah loogu dilay allaha u naxariistee Danjirihii Soomaaliya u fadhiyay Qaramada Midoobay Danjire Yusuf Maxamed Ismaaciil Baribari.

Sawirkaan waa meydadka gacan ku dhiiglayaashii muslimka xasuuqay.

shaba_7

Dad kala duwan oo goob joog ahaa oo ku sugnaa Hoteelka weerarka ka dhacay ayaa sheegay warbixino kala duwan oo is khilaafsan, ayadoo qaar ka mid ah dadkaasi hadlay ay sheegeen in weerarka si gaar ah loogu bartilmaameedsanayay allaha u naxariistee Danjirihii Soomaaliya u fadhiyay Qaramada Midoobay Dr. Yusuf Maxamed Ismaaciil Baribari oo la tuhunsanyahay in si shirqoolnimo ah loogu casumay shirkii ka furmayay Hoteelka Maka Al-Mukarama.

Yusuf.Bari.Bari

Mid ka mid ah ragii la fadhiyay Marxuum Yusuf Maxamed Ismaaciil Baribari ayaa sheegay in markii uu weerarka biloowday lakala garan waayay kooxdii weerarka soo qaaay ee Al-Shabaabka ahaa iyo ilaaladii Hoteelka oo qaar ka mid ah ay ku biireen kooxdii weerarka soo qaaday halkey difaaci lahaayeen masuuliyiintii Hoteelka ku jirtay ee an hubeysneen.

Yusuf.Bar.Bari4

Ninkaasu wuxuu sheegay in Danjiraha oo ahaa qofkii ugu horeeyay oo rasaasta la huwiyay si gaar ah loo bartilmaameedsaday oo la ogsoonaa halkuu ku sugnaa, wuxuuna hoosta ka xariiqay in afar qof oo uu ku jiro Danjiraha uu u yimid nin hubeysan kadibna uu si gaar ah u toogtay Danjiraha, ayadoo rasaastii ay ka haleeshay Gacanta Midig iyo Caloosha, halkaas oo si weyn ugu dhiig baxay.

Yusuf.Bari.Bari3

Dilka Danjiraha ayaa waxaa la rumeysanyahay in shirqool si weyn loo abaabulay uu ahaa, ayna jiraan shaqsiyaad shirka ku casumay oo goobta isaga baaqsaday, halka qaarkoodna ay ka baxeen wax yar ka hor intuusan weerarka dhicin.

Waxaa la rumeysanyahay in dilka Marxuum Bari Bari ay ka danbeyso arimo Siyaasadeed, isla markaana ay jiraan xubno ka tirsan dowlada Federaalka iyo Madaxtooyadaba oo ku lug leh, ayadoo la doonayay in kursiga laga wareejiyo.

Waxaa la ogsoonyahay Markii wiil qori wata oo aan ka tirsaneyn ragii weerarka ku qaaday Hotleeka uu si gaar ah kaligii u dlay Allaha u naxariistee Danjiri Baribari asagoo aan taaban Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Garmalka Mr.Tifow iyo Agaasimaha Guud ee wasaarada Ganacsiga Mudane Cabdulaahi Xayir Ducaale iyo Ganacsade kale oo Reer Muqdisho ah, ragaasi dhamaantood uu ka tagay ninkii Hubeysnaa ee dilay Danjire Baribari.

Waxaa xusid mudan in Marxuumka u joogay Xamar codsi uga yimid Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha oo ku saabsan arimo aan si toos ah loo shaacin, balse aan ku daba jirno in aan wax ka ogano hadii alle idmo.

Allidamaale