Faallo:- Kordhinta Xildhibaanada Puntland, yaa ka dambeeya qorshahaan?

Posted Date: 09 May 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Qorshahan dibn u furista Saami qeybsiga golaha shacabka Yaa Wada?

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in qorshahan uu bilowgiisa leeyahay Xildhibaan ka tirsan xildhibaanada dowlada Federalka ah kana soo jeeda deeganada Puntland kaas oo garab ka helaya siyaasiyiin kasoo jeeda koofurta Somalia islamrkaasna raba in Puntland carqalad la gasho oo is qabqabsi iyo kala shaki dadkii wada dhistay Puntland la dhex dhigo ayada oo qorshuhu yahay in aakhirka lagu kala dareero Puntland oo sidaas ay ku dhimato riayada Somalita Federal ah .

Qorshahan oo Muqdisho lagu soo dejiyey ayaa waxaasi dhib yar looga iibiyey madaxtooyada Puntland oo hada guluf ugu jirta dib usoo noqshada madaxweyne cabdiweli Cali Gaas. Waxaa kale oo la xaqiijinayaa in xubanaha uu codsaday madaxweynuhu in lagu kordhiyo ay tira ahaan gaarayaan 9 dhamaan beelaha uu la doonayana ay kasoo wada jeedaan hal gobol oo ah gobolka Mudug . Waxaa jira tuhun ah in Madaxweynuhu uu rabo inuu dib ugu tartamo kursiga uu hada ku fadhiyo iyada oo la ogyahay in siyaasiga Somaliga ah uu yahay mid uun damaciisa daba orda oo ana fiirin cawaaqibka ka dhalan kara ficilka uu samaynayo.

Saamiga Qeybiga Golasha Shacabka Puntland Si loo dejiyey 1998

ka dib markii lagu heshiiyey in la wada dhisto Maamul gobleedka loogu magac daray Puntland waxaa shaqa adag noqotay helida qaab saami qeybsi oo lagu wada qanci karo. Waxaa shaqadaas u xilsaarnaa gudida samaynta dastuurka oo ay xybno ka ahaayeen rug caadyo siyaasiyiin ah ayna ka mid ahaayeen

1.      AUN- Mohamed Abshir Waldo – gudoomiye

2.      Dr.Abdirahman faroole – Gudoomiye xigeen

3.      Proff.Abdirizak Osman Jurile

Gudidan oo garab oo talo joogta ah ka helayey Sharci yaqaan kasoo jeeda Puntland oo la yiraahad  Xaakim cabdi Qawi (Hada ka mid ah xaakimada ugu sareeya maxkamada Danbiyada caalimaga ah -Hegue ) ayaa ugu danbayn keenay saami qaybsigii la isku raacay ee puntland ku tanaaday.

Gudidu waxaa ay ku saleeyeen  saami qeybsiga qaab degaan ka kooban 5 gobol iyo dagmo iyaga oo sameeyey qiyaas shacab oo ay kasoo min guuriyeen tirakoobkii 60 kii lagu qeybshay xildhibaanadii Somaliya (Population Estimation ) qiyaasta koror shacab ee gudidu qaadatay ayaa ahaa 2.5 . macanaha gobol kasta kuraastii xildhibaano ee uu lahaa 1960 kii ayey ku dhufteen qiyaas koror shacab oo ah 2.5 . Ka dib waxaa soo baxday xisaabtan hoose.

Tusaale;

Gobolka Nugaal oo 1960 kii ka tirsanaa gobolka Waqooyi bari waxaa kusoo aaday 4 xildhibaan oo ay kala heleen degmada Garowe 2, Degmada Eyl 2 hadba xisaabta 9 ka ah ee gobolka Nugaal waxaa ay kusoo baxday sidan

Nugaal -1960 kii waxaa uu lahaa 4 xildhibaan ka dib wxaa lagu dhuftay 2.5

4X 2.5 = 10

Sida aad xisaabta ka arki kartaan waxaa soo baxday 10 xildhibaan lakin is qabqabsi ka dib waxaa uu Islaan Mohamed Islaan Muuse oo ahaa tiirkii uu shirka yagleelida Puntland ku taagnaa uu dib xubin ugu ceshay gobolka sanaag sidaas ayey Nugaal ku heshay 9 .

Gobolka bari waxaa uu 1960 kii saami u helay 9 xildhibana oo kasoo kala gali jiray Bosaso 2, Qardho 2 , Iskushuban 2 , Bayla 1 , Qandala 1 iyo caluula oo 1 heshay. Iyada oo xsiaabtaas laga duulaya bari waxaa ay heshay

9 X 2.5 = 22.5 oo roughly siinaysa gobolka Bari 23 xildhibaan lakin si la mid ah Nugaal waxaa ay 2 xildhibaan u jareen tabashooyin jiray awoogeed  sidaas ayey ku heleen 21

Sidaas ayey kusoo baxday xisaabta 66 xildhibaan ee ay Puntland mudada dheer kusoo caana maashay lagu soo afjaray khilaaf ay adkayd in sahal lagu dhameeyo iyada oo cid walba si uun u qanacaday.

Sharci ahaan Dastuurku maxaa uu ka yiri tirade xildhibaanada

Dastuurka Dowlada Puntland ayaa si cad u qeexaya tirade xildhibaanada iyo sida lagu kordhin karo. Tusaale :-Qodobka 60aad farqdiisa 2aad waxaa ay sheegaysaa in tirade golaha wakiiladu ahaanayso 66 xubnood inta tirakoob rasmi ah laga samaynayo.

Intaas ayaa inagaga filin sharciyada doodaan ay hada bilowday madaxtooyada ayada oo baal maraysa dastuurka umada uu yaala.

 Maxaa Cawaaqib ah oo ka dhalan kara dib u furis lagu sameeyo saami qeybsiga golaha Shacabka

Cawaaqib xumada ug daran ee ka dhalan doonta waa jabinta heshiiska bulsho e dadka wada dhigtay ee la wada leeyahay (Dastuurka) taas oo keeni doonta fowdo iyo maamul kastaa garab maro sharciyada iyo xeerarka umadu wada degstay.

Waxaa ka dhalan karta khatar laga yaabo in Puntland ay kasoo kabsan weydo oo ay u burburto hadii si sahlan loo cabiro tani waxay ka dhigantay iyada oo la furayo sanduuq waxa kasoo baxaya aan la aqoon ayna u badan tahay in shar mooyee aan khyar laga dheefi doonin (Pandora Box). Waxaa jira beelo hada haysta xildhibaano lakin tabasho ku jirto oo hadii manta la dhaho dastuurka ayaa la furayaa oo saami qeybsiga ayaa lagu noqon ubooyinkooda so dhaansan doona (Allow meel aan rabay roobstay). Waxaa kale oo arinkan aad uga faaiidaysan doona qolyo raba inay soo afjaraan riyada in la helo Somaliya federal ah una arka Puntland madaxa federalka doonayana inay maska madaxa ka dilaan hadii ay helaan fursad ay ku burburin karaan Puntland ay u tahay iyada oo janadii la hor keenay oo aan sina fursadaas u cafin Karin .

Cawaaqib xumada labaad ayna u badan tahay inay timaado ayaa ah in beelaha Puntland wada dhistay ay kala shakiyaan isla markaasna ay qeyb diido in dib u eegsi lagu sameeyo awood qeysiga xildhibaanada ayada oo ka cabsi qabta in gobolkeeda laga badsado xubanaha iyada oo aan la marin habraacii saxda ahaa ee 1998 waxlagu qeybsdaya islamarkaasna aan la qaban tirakoob .

Talo Soo jeedi;

Waxaa haboon in aan lagu degdegin fursita aood qeybsiga jira haatan ee lagu wada qanacsan yahay iyada oo aan la qaban tirakoob sax ah .

In aan la furin awood qeysiga iyada oo laga talo galin odayaasha dhaqanka oo ah cid kale ah ee umadu u aragto inay sax ah u matali karaan (moral Authority)

In baarlamaanka Puntland hadii lagu soo dhiirado go,aankaas lagu burburinayo Puntland ay laalaan iyaga oo matalaya danaha dadka ay matalaan isla markaasna ilaalinaya midnimada iyo wadajirka dadkii ku heshiiyey dhisamaha Puntland

Waxaa Madaxweyne cabdiweli cali gaas laga codsanayaa inuu dib u raadsho hab raaca awood qeysiga golaha shacabka lana kaashado dadka wali nool ee ka qeyb qaatay isla markaasna ka laabto go,aanka uu qaatay oo u muuqda mid aan la mahdin doonin asgana ku noqon doonta taariikh mugdi ah oo lagu xuso marka ay dhamaato xil hayntiisa isla markaasna uu aamino qaabka 66 da ah ee lagu soo doortay 2014 haduu han leeyahayna ayaga u bandhigo si la mid ah sidii 2014 kii.

Qoraalkan wuxuu gaar u yahay qoraha  Cabdiraxmaan Sadiiq, lakiin kama turjumayo aragtida allidamaale.com

Allidamaale