Faalo: Wasaaradda Shaqada Iyo Shaqaalaha Dhallinyarada Iyo Cayaaraha Ee Puntland

Posted Date: 26 Mar 2015   in: news,Puntland     0 Comments

Waxaan ku bilaabayaa magac Allah ee naxariis oo dhan iska leh: Sidaan ognahay wasaaradi waa xubin ka mid Dawladda waxaana Dawaladdu u idmantay wasaaradaas inay hawshaas loo idmaday ay u gudato sidii loogu talagalay ee ahayd inay kasoo dhalaasho meesha kaga aadan Dawladda ee ah shaqadaas loo idmaday oo masuuliyadeedu saaran tahay… Wasaaraddaan hawlaha loo idmaday waxaa ka mid ah shaqo abuuris, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha iyo barbaarinta damiir ahaaneed ee dhallinyarada.

Sidaan ognahay dhallinyaradu waa dhismaha ama tiirka dhabta ah ee waddan leeyahay, haddii dhisamahaas ama tiirkaas liicid ku timaaddo, waxay qarka u fuushaa inay dawaladdaasi dunto ama ay tamar yeelan waydo, mar haddii dhismihii iyo tiirkii dawladdaasi liic ku yimaado… Waxaa is waydiin mudan wasaaraddaani ma kasoo baxday waajibkii saarnaa ee dawladdu u idmantay inay fuliso….?

Puntland waxay leeyihiin dhallinyaro aad u firfircoon oo jecel inay ka qayb qaataan dhinac kasta oo taabanaya horumarinta Puntland hadday ahaan lahayd ka qayb qaadashada nabadda iyo xasiloonida, hadday noqon lahayd difaacidda sharafta iyo sumcadda Puntland… Waddankii dhallinyara noocaas oo kale leh waa waddan aad u nasiib badan wuxuuna waddankaasi ku dadaalaa inuu kor dhigo wax kasta oo kor u qaadaya damiirka dhallinyaradaas wanaagga Allah ku manaystay ee jecel horumarka waddankooda.

Waxaa dhacday in markii Dawladda uu Hogaaminayo Madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ay xukunka la wareegtay in dhallinyaro badan kacday oo u diyaar garoowday inay garab istaagaan dawladda oo kala shaqeeyaan wax kasta oo ay qaban karaan iyagoo damiir ahaan aad ugu faraxsan inay kasoo baxaan waajibka ka saaran waddankooda…
Waxaa dhacday in dhallinyaro aad u farabadan ay ka istaageen degmooyinka kala ah… Gaalkacyo, Jirriiban, Xarfo, Buurtinle, Garoowe, Qardho, Dhahar, Xingalool, Badhan, Laasqoray, Boosaaso… Dhaliyaradaas dhammaantood waxay kuwada dhawaaqeen inay muqaddas tahay midnimada dhallinyarada Puntland iyo inay muqaddas tahay in la garab istaago Dawladda Puntland ayna diyaar u yihiin wax kasta oo kaga soo beegma wax ka qabashada nabadda iyo xasiloonida, horumarinta, difaaca sumcadda iyo sharafta Puntland.

Dhallinyaradaasi codkooda oo aan ahayn caashuun ku addin ayeey sitoos ah ugasoo laliyeen warbaahinta maqalka iyo muuqaalka ee Puntland… Waxaana daawaday oo dhagaystay shacab aad u farabadan oo qurba joog iyo guda joogba leh… Dhammaan shacabkaasi waxay ku tilmaameen tallaabadaas ay qaadeen dhallinyaradaasi inay ahayd wax lagu farxo… Shacabkaas daawaday ee reer Puntland ahaa waxaa ka muuqatay farxad aan la koobi karin qaarkood meelaha laysugu yimaado waxay ku sheekayn jireen…. inay u kaceen Puntland dhallinyaro lagu faani karo oo hanan karta waddanka una horseedi karta nabad iyo horumar… shacabka qaarkiisna waxaa ka muuqanaysay shucuur gaarsiisnayd inay u duceeyaan dhallinyaradaas oo ay yiraahdaan Allow noo dhowr dhallinyaradayada.
Mar haddii Dhallinyaradaas habkaa quruxda badan ee ah wax lagu farxo ku dhaqaaqday maxay ka qabatay wasaaraddii loo idmaday kobcinta damiirka dhallinyarada Puntland oo ku mushahar qaadanaysay.

Shirkii ugu danbeeyey ee ay qabteen dhallinyaradaasi ee ka dhacay magaalada Garoowe waxaa kasoo qayb galay wasiiro badan oo uu hoggaaminayey Madaxwayna ku xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiim Cabdullahi X Cumar Camay… Wasiiradaas kuma jirin Wasiirkii Shaqada iyo Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Cayaaraha. Iyo Agaasimahayaasha Guud ee Wasaaraddaasi… Waxaa ka yimi wiil ka tirsan wasaaraddaas isaguna khudbaddii ugu horaysay markay dhallinyarada mid ka mid ah jeediyey ayuu ka baxay shirkii.

Waxaa kaloo jirta inaanay hal maalin ah ama hal habeen ah aanay ka hadlin Wasaaraddaasi Dhallinyaradaas is xilqaantay oo u istaagtay inay garab istaagaan Dawladdooda oo aanay u muujin wax taageero ah oo ay u hayaan Dhallinyaradaas iyagu is xilqaamay… Iyadoo waajibka Wasaaraddaas saarnaa yahay Kobcinta damiirka dhallinyarada iyo inay garab ka gaystaan wax kasta oo yididiilo gelin kara Dareenka Dhallinyarada.

Waxaa dhacday in Dhallinyaradaas is xilqaantay oo dhammaantood diyaarka u ahayeenn garab istaagidda dawladda inay ka door bideen waxay ugu magac dareen dallado oo ay ka xusheen dhallinyaro tirsan…. Waxay arintaasina niyad jab wayn ku abuurtay dhammaan Dhallinyaradii waddanka Puntland ee codkooda muujiyey iyo Dhallinyaradii degmooyinka kale oo iyaguna isu qaban qaabinayey inay codkooda ku muujiyaan dareenkooda ah inay diyaar u yihiin garab istaagidda dawladda Puntland… Ogoobeey dallad u samaynta dhallinyarada waa qodob dastuuri ah waase in dallad u samayntu ay midaynayso dhammaan dhallinyarada degamooyinka gaar ahaan guud ahaanna dhammaan dhallinyarada Puntland.

Gabagabadii

Haddii Arintaa kor ku xusan oo ku saabsan dhallinyaradaas isu taagtay in ay Dawladdooda kala shaqeeyaan wax kasta oo kaga soo beegma, hadday noqon lahayd nabadda iyo xasiloonida hadday noqon lahayd ka qab qaadashada difaaca sharafta iyo sumcadda Puntlan.

Waa in Dawladda Puntland   ay wax ka qabataa shaqo gudasha la’aantaa ay ku kacday wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha iyo dhallinyarada iyo ciyaaraha.
Waa in Dawladdu dib usoo noolaysaa Damiirkii dhammaan Dhallinyaradii u istaagtay inay garab istaagaan Dawladdooda.

Ogoobeey Dariiq kasta waxa fadhiya waa Dhallinyaro oo si hawl yaraan ah u ogaan karta wax kasta oo dhibaal u keenaya shacabka Puntland…. Si sahal ahna isugu tebin kara warka shaqsi ilaa shaqsi iyagoon ka kicin meeshay fadhiyeen ayna akhbaartaasi gaari karto duulkii loo idmaday wax ka qabashada dhib wadayaashaas… Duulkii dhibta wadayna aanay iska garan karin amaba dareemi karin warbixintaa laga gudbiyey.

NB….. Ruux kasta oo muwaadina waxaa waajib ka saaran yahay wax kasta oo waddanka wax tar u ah sida Midaynta ilaalinta Nabad gelyada iyo Xasiloonida….iwm waa qodob dastuuriya.

Wa Billaahi Tawfiiq
Qore: Eng. Abdirashid Abdi Daad (Ciiltire)
Email: guurey@hotmail.com
https://www.facebook.com/Guureey
http://aadciiltire.wordpress.com/
https://www.facebook.com/AADCiiltire

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7