Fariin ku socota madaxda sare ee dowlada Puntland iyo laamaha amniga

Posted Date: 04 Jan 2015   in: news,Puntland     Comments Comments

Akhirstayaasha  sharafta leh ee sii kordhaya ee ku xiran warbaahinta caalamiga ee allidamale.com oo had iyo goor Su’aalo badan nosoo weydiiya ayaa maantana waxaa Su’aal ay nooga timid gabar magaceeda aan jaceleysan in aan shaacin, taas Su’aal ay
qabtay u dooneysa in ay u hesho jawaab.

Gabarta Soomaaliyeed oo ah muwaadin xaq u leh in ay Su’aalo weydiiso Madaxdeeda ayaa Madaxda sare iyo dhamana laamaha amniga ee Puntland ka dooneysa in ay ka jaahil bixiyaan Su’aasha ay sheegtay in ay aad uga seexan weyday.

Su’aasha ayaa sidatan u dhigneyd:

Waxaan in badan aan la yaabay maxaa kulmiya weedha oraneysa ammaanka Puntland waa la isku haleyn karaa iyo qaraxyada tirada badan oo dadkii naafeeyey, xag kasta dhaqaale degenaasho amni iwm.

Weedha ah amniga Puntland waa la isku haleyn karaa macnaheedu ma waxaa weeye hada kaalay oo weerar wey is dhigteene?.???

Aaway ciidanka Sirdoonka iyo xog uruurinta ee ka hortaga falalka noocaan oo kale ah ee loo soo xawilay Puntland, mey xogta la wadaagaan shacabka kana codsadaan in laga gacan siiyo wararka hoose si looga hortago falalka amniga iyo daganaashaha wax loogu dhimayo?

Maxaa loo soo bandhigi waayay xogta falalka amni darada ah ee ciidamada amniga baaritaanada ku sameeyaan, si shacabka u ogaado in shaqo wacan ay socoto?

Maxaa dad weynaha loola wadaagi la’ayahay wax qabadka ciidamada amniga ee Sirdoonka iyo Booliska Puntland? si shacabku u helo dhiiragalin.

Waa arin weyn oo madaxeyga daalisaye, bal u raadsha jawaab.

Mahadsanidin.
WabiAllaahi Towfiiq.

Allidamaale