Dhurwaa:- PL nabadaan kaga dayan jirnay waa nasiib daro dagaalka, waana u duceynayaa ciidanka labada dhinac kaga dhintay dagaalka

Posted Date: 15 May 2018   in: news,Somalia     0 Comments

Gudoomiyaha Jeegaanta Ucid Maxishoode Dhurwaa ayaa saaka u hadlay si aan looga baran oo ixtiraam weyni u muujiyay Beelaha Hartti iyo Ciidamada Puntland. Mudane Dhurwaa ayaa cabsi darteed sheegay in ay nasiib daro tahay maadaama Xadaarada iyo Ilbaxnimada looga dayan jiray Puntland gaar ahaan magaalooyinka Caasimada Puntland iyo Boosaso ee nabada ku caanbaxday in dagaal culus lagasoo abaabulo oo duulan lagusoo qaado Ciidamada Jeegaanta isla markaana laga qabsado xuduudahooda waa siduu hadalka u dhigaye.

Dhurwaa ayaa maanta gartay in nabadu dan tahay, isla markaana aad u wanaagsantahay in aan labada maamul ee walaalaha ah aan la isku gubin waa siduu hadalka u dhigaye, maadaama dagaalka ka dhex qarxay labada dhinaca ay soo abaabuleen Farmaajo iyo Xamar.

Waxaa Cajiib ah hadalka quruxda badan iyo Garoowshiyaha Nabadeed goormuu garyahay, mase Xaajo Ragbaa nin ku caanbaxay inta nabadu jirto inuu hanjabo marka xaalku gacan ka hadal gaarana is jilciya. Bal adba!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale