FIFA oo madaxweyne ku dooranaysa Zurich

Posted Date: 29 May 2015   in: Sports     0 Comments

Waxaa maanta lagu dooran magaalada Zurich ee dalka Switzerland madaxweynaha xiriirka caalamigaa kubadda cagta FIFA, waxaana u taagan qabashada jagadaas Sepp Blatter  oo  hayay 17sano, una taagan qabashada jagadaas  markii shanaad iyo  madaxweyne ku xigeenka FIFA Amiir Cali Binu Abu Xuseen.

FIIFA ayaa waxaa hareeyay eedo la xariira musuqmaasuq, iyo laaluush waxaana la xiray masuuliyiin sarsare oo ka tirsan hay’adaas caalamigaa. iyadoo dhanka kale hay’ado waaweyn oo caalamiya ku eedaynayaan xad gudubyo dhanka xuquudaa oo ka jira qaban qaabada Qatar ee marti galinta koobka adduunka 2020 ka. iyadoona fadeexadaha ugu weyn ay tahay is daba marin lagu sameeyay tartanka  marti galinta koobka adduunka ee sannadaha 2018 iyo 2020 oo lagu kala qaban doono Rasia iyo Qatar

Xubno gaaraya 209 oo xubin ka ah FIFA ayaa maanta codkooda dhiibanaya, iyadoona qofka madaxweynaha noqonaya laga doonayo in uu helo labo meelod tirada guud ee codeeyayaasha, haddiise lagu kala bixi waayo wareega koowaad ayaa waxaa la qaban doonaa wareeg labaad.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7