Gaas ” Haddaad khadarkiina soo ceshataan waa Alxamdulilaah, haddaad mid kale keesataan waa rabi caalamiin

Posted Date: 27 Nov 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si dadban ugu dhawaaqay inuu u tartamay doorashada Madaxweynaha Puntland ee 8 January 2019ka.

Madaxweyne Gaas oo shalay soo gaaray Magaaladda Qardho ayaa maanta xariga ka jaray Dhisme Cusub oo uu yeeshay Cusbitaalka Guud degmada. Cusbitaalkaas oo lacagta ku baxday %80 ay bixisay dowladda Puntland.

Wuxuu sheegay in Puntland sidii caadadu ahayd ay ka dhici doonto doorashada madaxtinimada, taasi oo u dhacdo si xor ah oo xalaal ah

“ Waxaan u sheegayaa dadka reer Puntland, doorashadu weligeed waxay dhici jirtay 8 January, 8 January 2019 doorasho fiican oo xor ah oo xalaal ah oo kuwii hore ka sii fiican baa dhici doonta” ayuu yiri

“Haddaad khadarkiina soo ceshataan waa Alxamdulilaah, haddaad mid kale keesataan waa rabi caalamiin” ayuu sii raaciyay Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa 5 sanno ee la soo dhaafay wuxuu marar badan ku celceliyay inuusan ka qaybgalin doonin doorashada madaxtinimada Puntland ee 2019ka, hase yeeshee Lixdii bilood ee u dambeeyay ayuu muujiyay inuu danaynayo doorashadda madaxtinimadda, balse weli si rasmi ah ugama dhawaaqin inuu u tartamayo doorashada.

Gaas oo Si Dadban Ugu Dhawaaqay Musharaxnamidiisa

Madaxweyne Gaas: Haddaad khadarkiina soo ceshataan waa Alxamdulilaah, haddaad mid kale keesataan waa rabi caalamiin

Slået op af SAHAN Online i Tirsdag den 27. november 2018

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7