(Gabay) Allow Gaalka yaa uga digoo daacad ugu sheega‏

Posted Date: 17 Jan 2015   in: news,Somalia,Suguaan     Comments Comments

akhriso Tix gabay ah o uu tiriyay Abwaanka weyn Dr. Axmed Jaamac Ismaaciil Mire: Tixdaan ayaa la magac baxday (Allow Gaalka yaa uga digoo daacad ugu sheega)

Da’da gabayga khadarow beryahan waanigaan dayine
Cilmi dalab duruus aan akhriyo damaca lay saarye
Ha yeeshe waxbaa igu dirqiyey deelka maansade
Dadkuba maqalye gaaladu waxay damacday waa yaabe
Kitaabkii ilaah soo dejay dooro mariyeene
Dad islaama oon daarin bay galab ku duuleene
Danbaabudhaha ololkii ka kacay duunku amakaagye
Dumar iyo dhalaan beri ah bay nac u duqeeyeene
Markii ay dareemeen inaan cidina diiraynin
Nabigii Ilaah doortay bay duhur saloosheene
Inuu dilay dadooah idil ayay dunida faafsheene
Haween doora inuu guursadey dulum ku sheegeene
Dacwaddooda aan jirin balaan deelka ka higaadsho
Dulli weeye oo gaalo way dabagadoomeene
Ninkii daacad nabiga u yaqaan ma aanu diideene
Degdeg buu usoo geli lahaa diinta eebbahaye

Waxa loo dagaalamahayaa waa damiinimo,e
Bal dabeecadiisii wacnayd aan diirka ka caddeeyo
Dulqaad iyo waxaa lagu yiqiin saamax daaimahe
Dulmigii quraysh kula kacdiyo dakharki loo geystay
Gaaladu darxumaday badeen kama dubaaqayne
Dalka markuu qabsadey buu cafiyey daalimiin badane
Allow gaalka yaa uga digoo daacad ugu sheega
Deganaanta naxariista iyo debecsanaantiisu
Dabci lagu yaqaan bay ahayd daaim abidkiiye
Ducafada gargaarkooda iyo deris walaalaynta
Maatada daryeelkeeda iyo dumar xanaaneynta
Siirada ninkii dabagala way u daadegiye
Allow gaalka yaa uga digoo daacad ugu sheega
Duullaan haddii loo kacoo gaal la diriraayo

Dib uma jeesan jirin suubanuhu daal kastuu qaboe
Taariikhda daabacanina waa marag ma doonaane
Dagaalkii xunayn iyo markii dabinka loo qoolay
Saxaabaduna ay soo didoo deyrka soo jabisay
Dacalki cadaawaha ayuu doontay kaligiiye
Allow gaalka yaa uga digoo daacad ugu sheega
Deeqsinimada wuu kaga wacnaa roob guyoo da,aye
Waligiina ruux soo dalbaday diiday muu orane
Gacantiisa aan dib uxirnayn ee eebbe darajeyey
Duul badan ayaa saas darteed diinta soo galaye
Allow gaalka yaa uga digoo daacad ugu sheega
Nabigana xaq baa loogu diray duunyadoo idile
Mucjisooyin dooroo xaqana qaadir ugu deeqye
Samaawaatka loo duuliyuu darajo weyn gaadhay
Dabadeed Quraysh uga warramay dawgu sii marayey
Allow gaalka yaa uga digoo daacad ugu sheega
Qur’aan daahiroo wacan niyohow Eebbe soo dajiye
Dadoo dhami hadduu isugu tago oo dadaal bixiyo
Inay suurad soo dumi karaan daawo laga waaye
Allow gaalka yaa uga digoo daacad ugu sheega
Dagaalkii axsaab markii dunidu ceeryoontay
Dunjigoobda gaaladu markay duullan soo kicisay
Dabayshii Allaah soo diray ee colkii didisay
Iyana waa yaqiin daaimoo waa daliil dhab ahe
Allow gaalka yaa uga digoo daacad ugu sheega
Intii nabiga daardaartayee diinta la collowday
In la dilay darxumo ay muteen naari daba joogto
Oy dacarta leefeenna waa midaan dahsoonayne
Allow gaalka yaa uga digoo daacad ugu sheega

Hal-abuurkii: Dr. Axmed Jaamac Ismaaciil Mire

Allidamaale