Galmudug oo Sharci Ka Soo Saareysa Iibsiga Dhulalka

Posted Date: 11 Mar 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo Madaxa Golaha Wasiira Sheikh Maxamed Shaakir ayaa si wada jir ah u kormeeray Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhusamareb, iyadoona Dadka looga digay inay dhistaan Dhulka Garoonka Sharcina laga soo saari doono.

Kormeer ka dib ayaa Masuuliintu si wada jir ah Warbaahinta ula hadleen, Madaxa Golaha Wasiirada Galmudug Sh Maxamed Shaakir ayaa waxa uu sheegay in Garoonka laga dhigi doono mid heerkiisu sareeyo maadaama uu ku yaalo Caasimadda Maamulka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa waxa uu sheegay in Fadhiga ugu horeeya ee Baarlamaanka la soo saari doono Sharciyada Dhulalka.

Ugu dambayn Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa xusay in Garoonka Ugaas Nuur uu Noqan doono Mid Caalami ah Sanadaha soo socda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7