Ganacsade Caan ahaa oo Xalay lagu dilay Baladweyne

Posted Date: 19 Jun 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Kooxo hubeysan ayaa Xalay xaafada Howl-wadaag ee galbeedka magaalada Beledweyn ku dilay Ganacsade caan ahaa, iyadoo kooxdii hubeysneyd ee dilka geysatay ay baxsadeen.

Ganacsadaha la dilay ayaa lagu magacaabo jiray Ibraahim Cismaan Muumin oo loo yaqaanay Ibraahim Fanax, kaasoo caan ka ahaa magaalada.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu la shaqeyn jiray Shirkad lagu magacaabo Goobaalle oo horay u dhistay inta badan goobaha Danta Guud ee xaafadaha Beledweyn.

Ciidamo ka tirsan dowladda oo gaaray halka lagu dilay ganacsada ayaa u suura gelin inay gacanta ku soo dhigaan kooxdii dilka geystay, iyagoo baaritaan kooban sameeyay.

Allidamaale