Garowe oo laga Xusay Maanta Maalinta Dhalinyarada Aduunka iyo Masuuliyin ka Qayb Galay (Sawiro)

Posted Date: 12 Aug 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Caasimada Dowladda Puntland ee Garowe ayaa maanta waxaa ku qabatay Munaasabad Balaaran oo maalinta dhalinyarada aduunka lagu xusayeey Wasaarada shaqada ,shaqalaha iyo Cayaaraha Dowladda Puntland ,iyado ay ku Beegnayd 12 Ogoosto Maalinta dhalinyarada.

Munaasabadan lagu xusayeey waxaa ka qayb galay oo hadalo kala duwan ka jeediyeey Masuuliyin ka kala Socday UNka iyo Hay’adaha Caalamiga iyo Madaxda wasaarada shaqada .Shaqaalaha iyo Cayaaraha ee Dowladda Puntland.

Goobta waxaa fadhiyeey Dhalinyaro ka kala yimid xaafadaha ay ka koobantahay Garowe ,kooxo dhalinyaro ah oo Mujaajilaystayaal ah ,kuwaas oo madasha kusoo bandhigay dhaantooyin,Cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka iyo Ruwaaydo looga hadlayo Arimaha dhalinyarada,kuwaas oo so jiitay martidii ku sugnayd Hoolka munaasabada lagu qabtay.

Masuuliyin kasocotay Ha’yadda World Vision oo ku sugnaa Munasabada ayaa ka jeediyeey khudbado ay ugu hambalyeeynayaan dhalinyarada somaliyeed Maalintooda oo ah maalin ku weyn dhalinyarada somaliyeed , gaar ahaan dhalinta Reer Puntland meel walba oo ay joogan.

Wasiirka Dhalinyarada, Cayaaraha , Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Axmed Cabdullaahi oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu hawadda dhalinyarada Reer Puntland uu u marinayo maalintan ,wuxuna dhalinyarada ugu baaqay inay isku xirnaadan markasta.

Wasiirka ayaa sheegay in mar walba garab taaganyihiin wasaarada ka ahaan dhalinyarada Reer Puntland,wuxuna ugu baaqay inay mar walba la shaqeyaan wasaarada ,isla markaana ay soo dhaweynayaan,isago dhinaca kale mahad Naq Balaaran u jeediyeey Ha’yadda Worlad Vison ,wuxuna ku tilmaamay Ha’yadda mid la caawisa dhalinta isla markaana kaalin weyn ka qaadatay munaasabada maanta ee lagu xusayeey maalinta dhalinyarada Aduunka.

Qaar kamid ah Dhalinyarada oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay uga mahadcelinayaan wasaarada dhalinyarada iyo Cayaaraha Dowladda Puntland siday uga fikirayaan hormarka dhalinta Reer Puntland.

Ugu dambeyn Munaasabada Maanta lagu qabtay Garowe ayaa lagu soo bandhigay ciyaraaha Hidahha iyo dhaqanka an u leenahay iyo Ruwayaado ka hadlaya Arimaha dhalinyarada Puntland.

Allidamaale