Gobolka Bari iyo degmada Boosaaso oo maamul cusub loo magacaabay

Posted Date: 27 May 2015   in: news,Puntland     0 Comments

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabduwali Gaas ayaa maanta u magacaabay gobolka bari gudoomiye iyo ku xigoona, kuwaas oo si kumeel gaar ah loogu magacaabay degmada Boosaaso.Guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen, iyadoona si rasmi ah loo kala diray golihii deegaanka ee degmada Boosaaso masuuliyiinta loo magacaabayna ay si ku meel gaar ah shaqada u sii wadi doonaan. dhanka kale madaxweyne gaas waxa uu faray wasaaradda arrimaha gudaha ee Puntland in ay gole deegaan ugu soo dhisto magaalada Boosaaso Muddo dhan 45 gudahood.

Hoos ka akhriso magacyada masuulyiinta Gobolka Bari iyo degmada Boosaaso loo magacaabay.

1) Guddoomiyaha gobolka Bari: Yuusuf Maxamed Wacays’’Dhedo’’.

2) Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Gobolka Bari : Axmed Cali Cabdulaahi.

3) gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Gobolka Bari: Axmed Xaaji Maxamed Axmed waxaa isna loo magaacabay.

 Degmada Boosaaso.

-Maxamed Siciid Shabeele duq ku meel gaar ah degmada Bosaso.

-Qaasim Cabdiraxmaan Caluuke  Guddoomiye ku xigeenka degmada Bosaso si ku meel gaar ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7