Gobolka Doollo ee DDSI oo dib u curashadii ka haray kuna socda dib u gurasho”

Posted Date: 04 Jan 2015   in: news,Somalia     Comments Comments

Erayga  dib u curasho   micno ahaan  waa dib u habayn (renovate) ama  dardar galin  waxaana aad  u isticmaala dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya  siiba xukumadda uu hogaamiyo  madaxwayne mr C/Maxamud Cumar waxaase  jira  goboll badaan oo laga hirgaliyey  hawlaha dib u curashada laakiin gobolkii  ugu muhiimsanaa dib u curashadu ma gaarin..
Gobollada Dawlad deegaanka Soomaalida  Itoobiya   waxay ka kooban yihiin 9,gaal Gobol iyo 68 dagmo oo 15 kamida dagmooyinkaas  lagu kor dhiyey intii uu xilka hayey  Madaxwayne Cabdi Maxamud Cumar  waa dadaal fiican  hayeeshee  waxaa  jira  gobol  ka haray  dib u curashada..

Teer iyo markii  Madaxwayne Cabdi Maxamud uu hogaanka u qabtay  dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya  waxaa jira  hormar  fiicaan oo uu ka sameyey  dhulkaas  hase  ahaatee   Gobolka Doollo  wuxuu  noqday mid  aan lajaan qaadin hormarkaas wilina aysan ka curan  barnaamujka loogu magac daray dib u curasho) iyo mamulka suuban  waana  gobolka ugu liita dhanka hormarka arrimaha bulshada  marka loo eego gobollada  dawlad deegaanka Itoobiya ee  9,gobol..

Gobolka Doollo ee Caasimaddisu tahay  magaaladda Wardheer ee  ismamulka Soomaalida Itoobiya  waa gobolka labaad ee ugu  baxaadda wayn  Gobollada  Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia waana  gobol  xudduud  dheer la wadaaga gobollada Soomaaliya ee  kala ah  Gal-Gaduud iyo Gobollada  Puntland  sida Gobolka  Mudug  Gobolka  Nugaal  Iyo Gobolka Cayn  waxaan dhihi kara  Gobolka Doollo waaa  Gobolka ugu istiraatiijisan) ama  ugu habboon  gobollada  Dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia  marka  loo eego   fursadaha ganacsi ee  uu leeyahay  laakiin aan laga  faa ‘iidaysan..

Gollaha  xukumadda DDSI)  waxay  xoga sareen gobollada caasimadda   u dhaw- dhaw  ama xudduudka la waddaaga   waxaa jiray   mashaariic waweyn oo laga fuliyey   inta badaan gobolada dawlad deegaanka Itoobiya  mashaariicdaas oo isku jira  hormarinta dagmooyinka iyo gobollada   ayada oo  xukumadda  madaxwayne Cabdi Maxamud Cumar  ay ka indho  qarsatay  Gobolka  Doollo oo aan wili   laga hirgalin mashaariic  muuqata.

Dhanka Mashaariicda
Gobollada  kale  waxa laga hirgaliyaa  mashruucyo ama  mashaariic  sida  biyo xireeno sida  dadka oo laga  caawiyo fallashadda  beeraha  sidookale iskashatooyin ayaa loo sameyey waxaa kale oo gobollada intoota badaan laga sameyey mashruuca  xoolo dhaqato haddana  beero leeya laakiin Gobolka Wardheer wili waa,uusugayaa  hormarkii &  hanankii  dib u curashada   caddaaladii iyo mamulka suuban..

Dhanka  canshuurta
Gobalku wuxuu  ku yaal xudduud  waana gobolka canshuurta ugu badaani ay ka soo xarooto laakiin  laguma soo celiyo canshuurta laga qaado  shacabka loogumana badalo wax mashaariica oo uga timaadda  dawladda dhexe ee  federalka iyo  tan DDSI) waana sababta keentay dib u gurashada gobolka  dhanka hormarka..

Isgaarsiin xumadda ka jirta
Dhanka  isgaarsiinta  Gobolka Doollo  waa gabolkii ugu dambeyey ee  ay dhawaan soo gaarto khadka isgarsiinta  taasoo  aan ahayn  mid lamida isgaariisnta kale ee  Gobollada kale  khadka is garsiinta  Wardheer ayaa ah mid aad  u liita oo aan wili la jaan qaadin  gobollada kale ee  Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobia ka kooban yahay..

Ganacsiga iyo harmar la ‘anta ka jirta  gobolka
Dhanka  ganacsiga  waa  qaybta  ugu  hoosaysa   waxaana   la xanibay  dhaqdhaqaqii ganacsi ee xorta ahaa   waxaad  arkaysaa  in dadkii ganacsatata ahaa ay ka cabanayaan  in gadiidkoodii  laga qafaalanaayo in la dul dhigayo lacago aan sharci ahayn sidookale   in  lagu soo rogay  canshuur xad dhaafa  arrintaas oo curyaamisay   hormarkii  gobolka Doollo  ee magaallo madaxdiisu  tahay Wardheer  waana  dib u gurasho kale..

Waxaa  xusid mudan gobolka doollo inuu  leeyahay fursado caalamiya  waayo wuxuu  xuddud  la leeyahay qayb kamida gobollada  Soomaaliya  sidaa darteedna  waxaa  laga hirgalin karaa  ganacsi  xoogan iyo  fursado waweyn  laakiin ilaa hada  waxaad  mooda inaan  looga faa ‘iidayn bulshada  fursadahaas qaaligaa bal waxaaba  caddaadis la saaray   ganacsigii xorta, ahaa..

Ukuurgalid Dhanka qaadashada  sharciga  ama  mustewaqaha

Dhanka qaadashada  Mustawaqe) ama aqoonsiga mawaadinka   ayaa ah mid aad  ugu adag  mawaadiniinta Gobolka  u dhashay  qofkii doonaya inuu qaato mustawaqaha) waxay ku qaadanaysaa  muddo dheer sida loo wareejinaayo  arrintaas oo aan ka turjumayn hormarka iyo caddaalada  waana  dib u gurasho kale oo ku socota gobolka haddii aan wax laga qabaan..

Xog dhaba-Dhanka Qurba jogta Gobolka Doollo

Qurba jogta  Dagmada Wardheer ee Gobollka doollo  aad ayeey uga hab-sameen hormarinta dhulkaas  waayo qurbo jogtu  waa  laf dhabarta bulshada Soomaalida meel kasta ha  ka soo jeedeene    waxaa  jira gobolo badaan oo  DDSI) ka tirsan oo qurbo jogtoodo ka hirgaliyeen mashaariic iyo maalgashi  arrintaas mid lamida ayaa looga fadhiyaa  qurba jogta u dhalatay  Gobolka Doollo  gobolka  waxaa ka soo jeeda qurba jog xoog leh kuna  nool Adduunka dacaladiisa waxayse ku mashquulsan yihiin  inay maalgaliyaan  meelki ka baxsan Gobolka ..

Guntii iyo gabagabaddii
Ugu dambayntii xukumadda dawlad deegaanka Soomaaliya Itoobiya iyo hogaamiye Cabdi Maxamud Cumar waa inay gobolka  caddaalad  usameeyaan  lagana hormariyo arrimaha asaasiga ee  bina ‘aadamku   ku tiirsan yahay waa  in gobolka laga hirgaliyo dib u curashada  ka jirta Gobollada kale waana in bulshada laga  hormariyo dhanka ganacsiga waxbarashada caafimaadka iyo isgaarsiinta   sidookale  dadka ka soo jeeda Gobolka waa inay ka fekeraan hormarka gobolkooda oo aad  moodo  inay iska ilaween.

Waxaa qoray Cabdinuur Faarax maxamud
Email-guuleed72@hotmail.com

Allidamaale