Golaha shacabka oo maanta ka hadlaya Arrinta Quddus

Posted Date: 11 Dec 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Kulanka Golaha shacabka Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho waxaana ajendayaasha ay kala yihiin ka hadlidda Go’aanka Trump ee Quddus ugu aqoonsaday Caasimadda Maamulka Yuhuudda iyo ka doodidda Miisaaniyadda Sanadka soo socda ee 2018ka.

Kulanka Golaha shacabka oo furmay ayaa waxaa fadhiya 159 Xildhibaan oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya,waxaana ay dood ka yeelan doonaan arrinta Quddus iyo ka doodidda Miisaaniyadda 2018 ee dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa la filayaa in uu Baarlamaanka ka hor jeediyo khudbad la xiriirta go’aanka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Magaalada Quddus ugu aqoonsaday Caasimadda Maamulka Yuhuudda.

Allidamaale