Golaha wakiilada PL oo guda galay ka doodista qodobada Dastuurka laga saaray iyo khilaafka Muqdisho

Posted Date: 09 Jul 2015   in: news,Puntland     0 Comments

Golaha wakiilada ee shacabka Puntland oo ku guda jira kalfadhigoodii 35-aad ayaa maanta soo gaaray ka doodida khilaafka weyn ee u dhaxeeyay shacabka Puntland iyo dowlada Muqdisho, taasoo ay aad u wada sugayeen shacabka Puntland.

Mudanayaasha saaka soo xaadiray oo tiradooda lagu sheegay 50-xildhibaan ayaa guda galay doodo aad xasaasi u ah, ayadoo ay goob joog ahaayeen qaar ka mid ah shacabka Puntland oo kasoo qeyb galay dooda ka socota Baarlamaanka maadaama arinkani yahay mid aad xasaasi u ah.

Ugu horeyntii ayaa Mudanayaasha soo bandhigeen qodobada asalka u ah khilaafka oo ay ku macneeyeen Faragalinta iyo fowdada lagu sameeyay dastuurka iyo Nidaamka Federaalka, waxaana ay sharci daro aan la qaadan karin ku tilmaameen hab dhaqanka dowlada Federaalka.

mudanyaal aad u careysan ayaa maanta doodahooda kusoo bandhigay qaar ka mid ah heshiisyadii xukuumadihii Puntland la galeen dowlada Muqdisho lagasoo bilaabo 2012 iyo qodobaddii lagu ansaxiyay dastuurkii KMG ah ee ay wada saxiixeen saxiixayaashii roadmap-ka Soomaaliya, kuwaas oo ay ka shaqeyn waayeen dhinaca dowlada Muqdisho, waxaana qaar ka mid ah Mudanayaashu soo jeediyeen in Puntland u tashato shacabkeeda, isla markaana aysan ku habsaamin xiqdiga iyo xaasidnimada kasoo gufaaceysa Koonfurta Soomaaliya, taas oo markhaati u ah sida aabiga iyo gardarada cad ah ee heshiiskii qoyanaa ee Garoowe ay kuwada saxiixdeen dowlada Muqdisho ee qeexayay gobaladda dhexe la isaga indha tiray, duulaankana loogusoo qaaday shacabka Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7