Golaha wakiilada Shacabka PL oo meel mariyay Miisaaniyada dalka

Posted Date: 08 Jul 2015   in: news,Puntland     0 Comments

Baarlamaanka dowladda Puntland oo maanta loo fadhiyo kal fadhiga aan caadiga aheyn in ka qeyb qaataan shacabka Puntland ayaa waxaa soo xaadiray in ka badan 45-mudane oo ka tirsan wakiilada golaha shacabka Puntland.

Kalfadhiga maanta ayaa oo ay horyaalaan qodobo xasaasi ahaa ayaa ugu horeystii lagu furay qodbka ka doodii Miisaaniyada dalka, waxaana si hufan loo meel mariyay miisaaniyada dowlada Puntland ku shaqeyndoonto inta ka hartay sanadkan kadib markii dib u eegis lagu sameeyay, waxna la iska weydiiyay lacagihii laga sugayay Bankiga Adduunka oo miisaaniyadda markii hore lagu daray.

Sidoo kale Gudoomiyaha guddiga dhaqaalaha Gollaha wakiilada Maxamed Faarax Nuur oo isna ka hadlay ayaa cadeeyay in is badal yar ku sameeyen miisaaniyada, kadib la is leekaysiiyay Dakhliga iyo qarashaadka dowlada ay ugu adeegeeso shacabka.

Dooda kasocta golaha Wakiilada Shacabka Puntland ee laga sugayo go’aan ka garida masiirka shacabka Puntland ayaa laga yaabaa in ay qaadaato dhowr maalmood, ayadoo si qoto dheer oo dhinacyo badan looga eegi doono shirqoolada iyo coolaada loo maleegayo Shacabka Puntland.

Hoos ka dhageyso Afhayeenka golaha wakiilada shacabka.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7