Goodax Barre oo La Wareegay Xilka Wasaaradda Waxbarashada Federaalka

Posted Date: 08 Aug 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Wasiirka cusub ee wasaaradda waxbarshada Federaalka Cabdullaahi Goodax barre ayaa maanta si rasmi ah u la wareegay xilka wasaaradda kadib markii uu ra’isul wasaaraha federaalku uu u magacaabay xilkaasi, waxaana ka qaybgalay Munaasabadii xil wareejinta Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Madaxda iyo howlwadeenada Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya

C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada oo ka hadlay xilwareejinta ayaa soo dhaweeyay wasiirka cusub, waxaana uu ballan qaaday in si wanaagsan oo qalbi furnaan ah ay ula shaqaynayaan wasiirka cusub

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan C/laahi Goodax Barre ayaa sheegay in wasaaradda uu ku hagi doono siyaasad hufan isaga oo kaashanaya madaxda kale iyo howlwadeenada wasaaradda.

“Waan ku faraxsanahay in la igu aaminay siyaasadda waxbarashada dalka, waxaan rajeynayaa inaan sameeyo isbedel wanaagsan oo aan hormarino waxbarashada dalka, waana u mahad celinayaa cidii masuuliyaan igu aamintay”ayuu yiri C/laahi Goodax Barre wasiirka waxbarashada Soomaaliya.

Ra”iisul Wasaare ku xigeenka Federaalka Mahdi Maxamed Guuleed oo gaba gabadii hadlay ayaa muujiyay in wasaaradda waxbarashadu ay tahay meel laga jiheyn karo bulshada, waxaana uu qiray inay tahay meesha kaliya ee laga jihayn karo dal burburay oo colaad iyo jahli ka soo kabanaya

“Wasaaradda Waxbarashadu waa meesha kaliya ee laga jiheeyo Bulshada dal bu buray oo jahli kasoo kasoo kabanaya, waxaana rajeynayaa in wasiirka cusub oo shaqo wanaagsan qaban doono”ayuu yiri ra”iisul was are ku xigeenka dalka” ayuu yiri

Xildhibaan Goodax Bare oo haatan ka tirsan barlamaanka Federaalka ayaa hore u noqday wasiirka arrimaha gudaha xiligii dowladii uu madaxweynaha ka ahaa Xasan Shiikh Maxamuud.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale