Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan oo Bilaabay Diiwaan Gelinta Xisbiyada.

Posted Date: 03 Dec 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Munaasabad ay ka qeyb galeen Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Wasiiro, Xildhibaano, Mas’uuliyiin Xisbiyo, Ururada Bulshada Rayidka iyo Marti sharaf kale ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Xafladda waxaa soo qaban qaabiyey Guddiga Doorashooyinka madaxa Banaan ee Soomaaliya, waxayna soo bandhigeen marinka loo marayo Doorasho ku saleysan qof iyo Codkii oo Soomaaliya ka dhacda 2020 ama 2021.

48-sano kadib waxay Guddiga diiwaan geliyeen Xisbiyo u loolami doono doorashada dadweyne ee dalka la filayo in lagu qabto, waxayna Sheegeen in Diiwaan gelinta Xisbiyada ay calaamad u tahay doorashada ay u xulsaaran yihiin.

Baarlamaankii 9-aad ee Soomaaliya ayaa sanadkii 2016-kii ansixiyay Sharciga Furashada Xisbiyada, si doorasho qof iyo cod ay uga qabsoomto dalka, saddex sano ka dib.

Allidamaale