Guddigii Aqalka Sare u Xilsaaray Khilaafka DF Iyo MG oo Go’aamo soo Saaray

Posted Date: 27 Nov 2018   in: Jubbaland,news,Puntland,Somalia     0 Comments

Guddiga gaarka ah ee Aqalka sare ee barlamaanka federaalku uu u saaray xal u helidda Khalifaaka Dowladda Feferaalka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka ayaa maanta soo saaray warbixin iyo go’aanno la xiriira Arrimahaas.

Guddiga ayaa baaritaan ka dib waxay soo bandhigeen heerarkii kala duwanaa ee khilaafku soo maray, tabashooyinkii madaxda maamul goboleedyada iyo xalka khilaafka

Guddigu waxay dowlada federaalka u soo jeediyeen in si deg deg ah uga howlgasho inay wax ka qabato cabashooyinka ama tabashooyinka Maamul goboleedyada xubnaha ka ah ee dowladda federaalka.

“Guddiga Gaar ka ah ee aqalka Sare DF waxay ay xukuumadda Federaalka u soo jeedinayaan inay si dhaqso ah uga hawlgasho fulinta qodobada go’aankan kor ku xusan ee ka kooban 8 qodob oo guud ah iyo 4 midka gooni u yahay Maamul, oo ah nuxurka tabashooyinkii laga soo ururiyay DXDF” ayaa lagu yiri warbixinta guddiga ay ka soo saareen khilaafka.

Guddigu waxa ay soo gudbiyeen 8 cabasho oo ay ka mideysan yihiin dhammaan dowlad goboleedyada iyo 4 mid weliba gaar u dooneyso in wax laga qabto, kuwaas oo la doonayo inay wax ka qabato xukuumadda federaalka ah.

Cabashooyinka ay Siman Yihiin Maamul Goboleedyada:

1. Dedejinta dhameystirka dastuurka federaalka.

2. Ka howlgelidda dhismaha ciidama qaranka iyo sugidda amniga.

3. Dhismaha guddiga garsoorka qaranka iyo dib u habeynta gatsoorka.

4. Ka howlgelidda dib u heshiisiinta iyo midnimada qaranka.

5. Ka heshiinta qaab dooarashada guud ee 2021-ka iyo dhismaha axsaabta.

6. Xoojinta nidaamka federaleynta, siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan.

7. Mideynta qorshaha qaranka sida wax qeybsig mashaariicda iyo dhaqaalaha, iyada oo dowladda dhexe ay yeelaneyso go’aaminta meelaha ku habon, ka hirgelinta kabeyaasha dhaqaalaha iyo bulsho heer qaran

8. Faragelin la’aanta doorashooyinka DXDF iyo kuwa dowladda dhexe

Cabashooyinka u gaar ah dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah

Puntland: Taageeridda ciidamada xoogga dalka(SNA), qeybta Puntland xagga mushaarooyinka, tababarrada iyo agabka.

Jubbaland: Taageeridda ciidamada daraawiishta ee Jubbaland, tayeytooda iyo kala howl-gelidda amniga guud ee Jubbaland.

Koonfur Galbeed: kala shaqeynta sugidda amniga gaar ahaan Muqdisho-Baydhabo.

Galmudug: La dhisidda ciidanka maamul Galamudug iyo la xoreynta dagaannada ay amni-darrida ku hayaan Al-shabaab

Ugu dambeyntii, Guddiga waxaa ay xukuumadda federaalka ah u soo-jeediyeen fulinta qodobada kor ku xusan, oo ah 8 qodob oo guud iyo 4 midba gooni u yahay maamul, oo ah nuxurka tabashooyinka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7