Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Dhaliilay Madaxweyne Farmaajo

Posted Date: 29 Oct 2018   in: Jubbaland,news,Puntland,Somalia     0 Comments

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee federaalka Cabdi Xaashi Cabdullahi oo maanta khudbad ka jeediyay kullanka aqalka sare ayaa eedayn u jeediyay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.

Wuxuu sheegay in warqadii ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Federaalka Md Farmaajo ee lagu casuumay madaxda maamul goboleedyada, aan lagu kalsoonaan karin oo au muuqato in qof aan madaxweynaha ahayn uu Qoray

“ Warqad ayaa la leeyahay madaxtooyada ka soo baxday, waa warqad qof saddexaad hadlayo, madaxweynihii Ma hadlaayo haddaad akhrideen warqadaas, waa warqad madaxweynihii baa sidaas yiri la leeyahay, Protocool ay leedahay ma jirto, Saxiix ay leedahay ma jirto, cid ay ku socotaana ma jirto, Warqadaasi Kalsooni ma ku qabi karnaa oo ma noqon kartaa warqad madaxweyne soo diray, waxana filaya in aynaan ku kalsoonaan karin

Dhinaca kale, Wuxuu Eedeeyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo uu sheegay in dhiniciisa ay ka socon laadahay wadahadalada lagu xalinayo khilaafka Siyaasadeed ee soo kala dhexgalay dowlada Dhexe iyo maamul Goboleedyada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7