Guddoomiye Yariisoow iyo Taliyayaasha Ciidamada Amniga oo kormeer ku tagay qaar kamid ah Isgoosyada Muqdisho.

Posted Date: 12 Mar 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yarisow) oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed Gen: Bashiir Cabdi Maxamed, Sariil ka tirsan Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad Gobolka Benaadir ahna ku xigeenka xagga amniga iyo siyaasada Gobolka Benaadir ayaa xalay kormeer ku tagay qaar kamid ah Isgoosyada Magaalada Muqdisho.

Goobaha ay kormeerka ku tageen Mas’uuliyiintan waxaa ka mid ah Isgoosyada Black Sea,Baar-ubax ,Cali Kamiin ,Ex kontarool Balcad, Saldhigga Degmada Hiliwaa,Suuqa Xoolaha iyo sidoo kale deegaanka Darmoonley oo ah kontaroolka laga soo galo Magaalada Muqdisho ee dhanka Degmada Balcad.

Ujeedka kormeerka oo ahaa u kuurgalidda arrimaha Amniga iyo sidoo kale wada shaqeynta ka dhaxeysa laamaha amniga iyo bulshada ayaa masuuliyiinta iyo saraakiisha waxey socod dheer ah ku mareen qaar kamid isgoosyada wadada Sodonka iyagoo ganacsatada iyo shacabka ku booriyay in ay kaalin ka qaatan hormarinta Bilicda Caasimada iyo Xasiloonideeda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale