Guddoomiyihii Baarlamaanka Itoobiya oo isu casilay colaadda Oromada iyo Somalida

Posted Date: 08 Oct 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Guddoomiyihii Baarlamaanka Federaalka Itoobiya Abadula Gemeda,ayaa iska casilay xilkaas,waxaana uu warqaddiisa is casilaadda ku wareejiyay Ra’islawasaaraha Dalka Itoobiya.

Qof la isku halleyn karo oo ka tirsan Dowladda Itoobiya ayaa Wargeyska AS u sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka isu casilay go’aanka dowladda dhexe ka qaadatay colaadda Soomaalida iyo Oromada Itoobiya,taas oo sababtay in 150,000 oo Oromo ah ka qaxaan degaannada Soomaalida.

Sidoo kale gacanta adag ee Dowladda Federaalka ah ugu jawaabtay Oromada dishay 43da Soomaalida ah ayuu ka carooday Guddoomiyaha is casilay ee Baarlamaanka Federaalka Itoobiya.

Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa sare u kacayay xiisadda u dhaxeysa xisbiga talada haya,gaar ahaan Xubnaha Oromada iyo kuw Tigreega,waxaana dowladda dhexe ee Itoobiya lagu eedeeyay in ay si arxan darro ah ula dhaqantay Oromada kaddib colaadda labada Maamul ee Oromada iyo Soomaalida.

Fadhiga labada aqal ee Shacabka iyo Odayaasha ayaa la filayaaa in uu furmo Isniinta soo socota oo October ay ku beegan tahay 9,waxaana la filayaa in uu furo Ra’islawasaaraha Dalka Itoobiya .

Allidamaale